“Hay’ada NPA”AYAA CEEL BIYOOD RIIGA KA BILOWDAY DEEGAANKA SHULUX OO KA TIRSAN G SOOL CEELKAAS OO AY DHISAYSO Ururka ”SRO” (Daawo Maqal Muuqaal).
Laascaanood(Allssc): Haayada NPA ayaa Ceelkan Maalgalinaysa Ceelkan ayaa waxa dhismihiisa Gacanta Ku haysa Ururka Wadaniga ah ee SRO” oo wada shaqayn Fiican ay Leeyihiin Haayada Caalamiga ah ee Norwegian People”s Aid {NPA} maahan Ceelkan shululux Oo Kaliya ee waxa ay NPA hirgalisay Ceelal Bdan Oo ku yaal Deegaamo kaladuwan,
Kulan dhexmaray mausuuliyiinta Haayada “NPA’& Ururka SRO Dadka deegaanka shululux ayaa waxa kahadlay dad farabadan ugu horayn waxaa Halkaas ka hadlay Xubin kamida SRO
Cali Xuseen X maxamuud Oo u mahad celiyay Haayada NPA”Mashruucan ay u xilsaartay Inay Ceel biyood Kaga qodaan deegaankan waxa uuna sheegay SRO inay gudan Doonto waajibaadka culus ee ay u igmatay Haayada NPA, Sidii aan hore ugu wada guulaysanay Ceelashii hore aan qodnay,
Geesta kale waxaa Halkaas ka hadashay Shugri Yuusuf abdi Oo kamida NPA, Shuri ayaa tidhi socdaalkayagu waxa uu ujeedkiisu yahay inaan hubino sida shaqadu usocoto oo aan la eegno ururka wadaniga ah ee SRO waana mid aan markasata Ogaan Doono shaqdu meesha ay marayso ilaa aan dadka deegaanka ku wareejino Ceelkan ,
Sidookale Waxaa Halkaas Kahadlay Ahmed Farah Mohamed’ Oo Oga mahad Celiyay Dhamaan cuqaashii iyo waxgaradkii Joogay Mada shaas. waxa uu halkaas ka sheegay inta laguyidhi NPA’Biyaa Lagu Gaadhayaa Ceelkan Oo ah ayuu yidhi 250″mtir’ Oo aan rajaynayno in illaah inagawada siiyo biyo anfaca caruurteena caruurta ay dhalaan waana shaqada NPA”
inay bushada waxa muuqda u qabato Oo aan deegaandan kawadno ilaa 5″ Ceel 3 Kamid ahna aan ku guulaysanay,iyo 2″ Hada Gacanta aan ku hayno Oo uu kamid yahay Ceelkan shululux ee hada aan Joogno.
Gaba gabadii Waxaa Halkaas Kamahad Celiyay odayaasha iyo waxgaradka Deegaanka shululux oo amaanay Doorka Fiican ee NPA ay kaga jirto Horumarinta Deegaanadan waxaana kamid ahaa wax Garadkaas,Xirsi Maxam”d Diiriye.Faarax Ow Jaamac Shuuriye;Muuse Xaaji Nuur Shuuriye.
Halkan Hoose Ka Daawo
Halkan Ka Daawo
Allssc News Desk/Online
hiirad@allssc.com
allssc@allssc.com
Laascanod,Khaatumo State
Short URL: http://allssc.com/?p=43257












