Mid Kamid Ah Siyaasiyiinta U Dhashay GobolKa Jubbada Hoose Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Murashax U Tartamaya Qabashada Xilka Wadaxweyenenimo Ee Jubbaland
Siyaasi Kasoo Jeeda Gobolka Jubbada Hoose Ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay inuu yahay musharax u tartamaya qabashada xilka Madaxweynenimo ee Gobollada Jubooyinka.
Cabdiwali Cali Dhimbil oo ah Aqoonyahan Dhalinyaro ah ayaa maanta kaga dhawaaqay shir ka dhacay Magaalada Nairobi oo ay ka soo qaybgaleen Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Waxgarad, Ururada Haweenka, Dhalinyaro Iyo Bulshada Qaybaheeda Kala Duwan Inuu yahay Musharax u taagan hanashada xilka Madaxweynenimo.
Siyaasigan oo kasoo jeeda Beelaha Deegaanka U ah Jubbaland, iyadoo ay shirkaas hogaaminayeen Xaaji Xerow Iyo Caaqil Cumar Jaamac Awdeer ayey dhamaanba sheegeen in ay taageersan yihiin murashaxa.
Mar ay Saxaafadu wax ka waydiisay Musharaxa qorshihiisa siyaasadeed ee ku aadan hadii uu ku guulaysato jagadaasi ayuu wuxuu sheegay qaarkamid ah Qodabada uu wax ka qaban doono, isagoo u kala saaray afar qaybood;
1: Sugida Ammaanka iyo Kobcinta Dhaqaalaha Danyarta
2: Rajo soo celinta Mustaqbalka Da’yarta iyo kor u qaadida baahiyaha aasaasiga sida waxbarashada iyo caafimaadka.
3: Ilaalinta Xiriirka Caalamiga ah iyo nabad kuwada noolaanshaha Gobolka .
4: Xaqiijinta Xuquuqda iyo Wada Noolaanshaha Dhamaan Beelaha Deegaanka
Ugu Danbayntii Musharax Cabdiwali Cali Dhimbil ayaa Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Beelaha Dega Jubbaland ka codsaday Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Culuma’udiinka iyo Aqoonyahanada , Dhalinyarada, Ururada Bulshada iyo Dhamaanba Dadka Soomaaliyeed inay taageeraan, Sidoo kale gacan ka gaystaan Nabada iyo Xasiloonida Gobolka kana qaybqaataan dib u heshiisiin dhab ah oo laga dhexdhaliyo Ummada Soomaaliyeed.
Short URL: http://allssc.com/?p=44008













Abdiwali waa nin uu qalma xiilkas pz dhuluz ninkan halatagero koleyeba waan aqaan iidiinka majaclidin qofkina raga ah idinkaa dila waxada ka jaceshihiin qofkale oo shesheeye ah in aad dortaan
Asc waan soodhoweyneynaa dhamaantayaa murashaxa dhalinyarada ah ee utaagan xilka jubooyinka waana garabtaaganahay dhanwalba.