Maxkamada sare ee dalka oo awaamiir dhinaca sharciga ka soo saartay Canshuurta Dekeda Muqdisho
Mugdisho(Allssc)Maxkamada sare ee dalka ayaa amaro culus ka soo saartay canshuuraha Dekeda Muqdisho, iyado mamnuucday in gaadiidka xamuulka ka soo qaada Dekeda inay bixiyaan lacago canshuur.
Qoraal ka soo baxay Maxkamada ayaa lagu sheegay in dadka u shaqeeya dowladda, oo isugu jira Wasiiro, Agaasimayaal, shaqaalaha dowladda inay shaqadooda ku saleysnaado waxa ay dowladda ogtahay, gaar ahaan hadii ay tahay lacag qaadis ama cashuur ay tahay in loo helo sharci.
Waxaa lagu yiri qoraalka “waa inay noqdaan wax walba oo sharci ah ama lagu qaadayo lacago canshuuro ah inay qasnada dowladda ku dhacaan, wixii soo harana ay tahay xaaraan cad oo aanay dowladda la socon”.
Qodobada ay soo saartay Maxkamada oo ay xukuntay ayaa waxaa ka mid ah in Wasaarada Gaadiidka cirka iyo dhulka aanay sharci u aheyn in gaadiidleyda lacago canshuuro ka qaadaan, taasoo Maxkamadu tilmaamtay inay tahay mid aan sharciyeysneyn.
Hadaba go’aanada Maxkamada soo saartay ayaa waxaa ka mid ah:-
1. Go’aanada ka soo baxa wasaarada gadiidka cirka iyo dhulka oo ku saleysan in ay bixiyaan lacago aan sharciyeysneyn waa in ay joojiyaan Gaadiidleydu lacagahaas laga qadayo.
2 . Waa in aysan waxba ka jirin go’aanada ay wada gaareen godoomiya gaadiidka rayidka ah iyo agaasimaha iskaashatada gaadiidka sidaas darteena loo baahan yahay in talada loo dhaafo iskaashatada gaadiidka
3. Waa in la joojiyo lacagta laga jaraayo iskaashatda gaadiidka dekedaha ee la siinayay abaadraha maadaama ay dhaaftay waqtigii loo qabtay oo ku ekaa 15 oct 2011.
Ugu dambeyn qoraalkan ayaa waxaa lagu faray Xeer ilaaliyaha guud, Hanti dhowraha guud iyo Xiisaabiyaha guud inay wad deg deg ah ka keenaan halka la geyn jirin lacagaha laga qaado gaadiidka oo lagu sheegay is diiwaan gelin.
Qoraalka ka soo baxay Maxkamada ayaa waxaa ku saxiixnaa Gudoomiyaha Maxkamada sare Avv Ceydiid Ilkaxanaf, waxaana uu ku soo aadayaa, iyadoo horay cabasho badan ka soo yeeray Iskaashatada gaadiidka iyo xoogsatada ka xamaasha dekeda.
Allssc News Desk/Online
allssc@allssc.com
hiirad@allssc.com
Mugdisho,Somalia
Short URL: http://allssc.com/?p=43379












