Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Madaxweynaha Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Uganda

Uganda(Allssc)Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta markii ugu horreysay dalka dibaddiisa safar ugu amba baxay ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu dalka Uganda ku tegay casuumaad uu ka helay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri K. Museveni oo dalkiisa uu u dabaaldegayo sanadguuradii 50aad ee ka soo wareegatay xornima Uganda.

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka degay garoonka diyaaradaha Entebbe ayaa waxaa la guddoonsiiyay ubax soo dhaweyn ah, kaasi oo ay wadday gabar yar, waxayna soo dhaweyntu ahayd mid diirran.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa intii uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa uu hadal kooban siiyay saxaafadda, wuxuuna ka warbixiyay safarkiisa iyo waxa uu ku saabsan yahay.

“Waxaan u baxayaa safakeygii ugu horreeyay ee aan dibadda u aado, waxaana ka qayb-galayaa munaasabad lagu weyneynayo sannad-guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay xorriyada Uganda iyadoo uu igu casuumay  munaasabadda madaxweyaha Uganda Yoweri Museveni” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

“Si dhaqso ah ayaan dalka ugu soo laabanayaa, waayo shaqooyin badan oo talooyinkeyga u baahan ayaa dalka ka socda; inta aan maqanahayna waxaa howlaha socda lagala tashanayaan guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari” ayuu  hadalkiisa ku sii daray madaxweynaha.

Ugu dambeyntiina, Madax badan oo ka socota dalalka Afrika  iyo caalmka ayaa sidoo kale munaasbaddan ka qeybgalaya, waxaana dalka Uganda ka socda u diyaargarowga weyneynta maalinta Xorriyadda Uganda.

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014406283800

Short URL: http://allssc.com/?p=42842

Posted by on Oct 8 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery