Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Laba Sarkaal oo Soomaali ah oo ka tirsan Police Minneapolis oo ka Sifeeyay Magaaladaas Tuugadii Soomaalida aheyd(Daawo Videoga)

Muqdisho(Allssc) Laba nin oo Soomaali ah oo ka tirsan booliiska magaalada Minneapolis, Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay ku guuleysteen inuu hoos u dhaco fal dambiyeedka ay ku lug leeyihiin Soomaalida ku nool magaaladaas oo ay tiradoodu aad iyo aad u badan tahay, iyadoona walibana lagula taliyey booliiska dalka Canada oo ku wareeray xal u helida fal dambiyeedka dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas inay ka faa’iideystaan habka ay u dhaqmeen booliiska magaaladaas si ay iyagana xal ugu helaan dhibaatadaas heysata

 

 

 

Halkan Hoose  Riix Daawo Videoga

http://allssc.com/43522-2/

 

Labdaan nin oo lagu kala magacaabo Maxamed Cabdullahi iyo Cabdiwahaab Cali oo ka tirsan booliiska magaalada Minneapolis ee dalkaas Mareykanka oo ay ku nool yihiin qaxooti Soomaaliyeed oo kumanaan gaaraaya ayaa waxaa la sheegay inay guleysteen inuu hoos u dhaco fal dambiyeedkii ay ku lug lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaas iyadoona waqtigii ka horeeyey inteysan ragaas ka mid noqon booliiska magaaladaas ay jireen dhibaatooyin ay ka mid ahaayeen dhac, tuuganimo, isdil iyo kuwo kale oo aad iyo aad ugu badnaa Soomaalidaas dhexdooda laakiin wixii ka dambeeyey xilligii ay labadaas nin ku soo biireen booliiska magaaladaas ayaa waxaa hoos u dhac ku yimid fal dambiyeedka iyo isdlka u dhexeeyey Soomaalidaas ee ka jirey nagaaladaas, Ragaas oo ka hadlaayey arintaas ayaa waxay ku macneeyeen inay sababtu tahay inay Soomaalidu is taqaano oo aysan isku dhuuman karin sidoo kalena ay arintaas u sahashay isku dhaqanka iyo isku luqada ay yihiin dadka Soomaaliyeed oo ayna si wanaagsan isku fahmayaan Soomaalidaas, Sidoo kale ayaa waxaa arintaas ku raacay duqa magaaladaas Richard Stanek oo sheegay inay ragaas ay keeneen isbedal xaga nabad galyada ah ilaa iyo wixii ka dambeeyey markii ay ka howl galeen magaaladaas.

Ugu dambeyntiina iyadoo dadaalka ay dhalinyaradaas Soomaaliyeed ka muujiyeen amaanka magaaladaas ay keentay in lagula taliya dowlada dalkaas Canada oo u maaro weysay sidii ay xal uga gaari lahayd Soomaali burcad ah oo caadeystey inay isku laayaan dalkaas inay sidoo kale ay tababar u furto una qaadato booliis Soomaaliyeed oo sidaas oo kale ka howl galo magaalooyinka ay ku badan yihiin dambiyada Soomaalida dhexdeeda ah ayaa sarkaal u hadlay booliiska dalkaas Canada waxaa uu sheegay inkasta oo ay jiraan qaar ka mid ah qeybaha booliiska oo loo tababaro meelo gooni ah hadana inaysan qorshaha ugu jirin inay raadiyaan dad gooni ah meel gooni u ah asagoona intaas raaciyey inay sidoo kale jiraan qeybo ay ugu tala galeen hadii ay la kulmaan is faham la’aan xaga luqada ah oo mar walbana diyaar ah marka loo baahdo.

Maxamed Wali

Allssc Muqdisho

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=43521

Posted by on Oct 18 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery