Kulanka Maanta Ay Yeesheen Golaha Sare Ee Madaxtooyada Maamulka Khaatumo State,Iyo Dhamaan Waxgaradka,Culimaa’udiin Iyo Shacabka Degmada AWR BOOBEYS Ee K Tirsan Gobolka SOOL.(Warbixin)
Awr Boobeys(Allssc)-Kulan balaadhan oo maanta ka dhacay degmada Awboobeys oo ka tirsan gobolka Sool, Kulankan maanta ka dhacay degmadaasi ayaa ahaa mid ay iskugu yimaadeen dhamaaba madaxda sar sare ee maamul goboleedka maamulka Khaatumo State oo ay hogaaminayaan golaha madaxtooyada maamulka Khaatumo State Madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamaca”Indhosheel” Iyo Madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan” Axmed Karaash”.
Kulankan saaka ay iskugu yimaadeen madaxdan kala duwan ee iskugu jirtey Masuuliyiinta ugu sareeysa maamul goboleedka Khaatumo State iyo shacabka degmadaasi ayaa ahaa mid looga hadlayay Arimaha Amaanka iyo Sidoo kale wada shaqeyn dhex marta shacabka iyo maamul goboleedka Khaatumo State.
Kulanka ayaa ku soo dhamaatey is afgarad wanaagsan oo markaasi dhex marey madaxdii iskugu timid degmada Awboobeys oo ka mid ah degmooyinka hoostaga gobolka Sool xaruntiisa magaalada Laascaanood.
Hadaba mar aanu khadka telephone ka ku wareysaney mid ka mid ah Wariyayaasha ka hawl gala shabakada Allssc.com xafiiskeeda magaalada Laascaanod ayaa waxa uu noosheegay in Waftidan madaxweynayaashu ay kormeer dhawaan ku yimaadeen degmada Awboobeys ee ka tirsan gobolka Sool.
Yadoo uu sidoo kalena noo sheegay in Kormeerka Waftidan ay horgaaminayaan golaha Sare madaxtooyarada maamulka Khaatumo Sate , M/Weyne Maxamed Yuusuf Jaamac Iyo M/Weyne Axmed Cilmi Cisman uu ahaa mid ay ku farxeen shacabweynaha ku dhaqan degmadaasi,Waxgarad,Culimaa’udiin iyo dhamaanba Ururada bulshadu,Isla markaas si heer qaran ah loogu soo dhaweeyay madaxdaasi.
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014406283800.
Short URL: http://allssc.com/?p=44169












