Kulan Balaadhan Oo Ay Maanta Iskugu Yimaadeen Haweenka Gobolka Cayn, Kulankan Oo Ay Ku Canbaareynayeen”Xasuuqa SNM Ku Hayso Shacabka Reer Sool”.(Sawiro+Warbixin)
Buuhoodle(Allssc)Kulan balaadhan oo ay maanta iskugu yimaadeen dhamaanba Haweenka Gobolka Cayn,Hooyoyin iyo Ururada Haweenka, Kulankan oo ay canbaareynayeen Xasuuqa maamulka SNM ku hayo shacabweynaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Haweenka kulanka iskugu yimid oo ay ka mid ahaayeen Hooyoyinka magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, Ayaa baaq u soo jeediyey madaxda maamulka Khaatumo State, Garaadada beesha Dhulbahante iyo dhamaanba madaxda dowlada federal ka Somalia”Xassan Sheekh Maxamuud” iyo sidoo kale haayadaha xuquuqul insaanka” HUMAN RIGHT WORCH” in wax laga qabto wax yaabaha xuquuqul Insaanka ka baxsan ee markaasi lagula kacayo shacabka iyo Haweenka Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Kulankan ay iskugu yimaadeen Haweenka magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, Ayaa ahaa sidoo kale mid ay canbaareyn balaadhan dusha ugaga tuureen maamulka SOMALILAND iyo gadhhayihiisa ”SIILANYO”.
Yadoo ay Haweenkan gobolka Cayn ee maanta kulankan qabsadey isla markaana iskugu yeedhay bahda Saxaafada Gobolka Cayn ay digniin cad u direen Gadhhayaha maamulka SNM ee Mr.”SIILANYO”, Yagoo u sheegay in hadii uusan joogin tacadibka ay ku hayaan isaga iyo Horgaladiisu shacabweynaha gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ay talaabo cad ka qaadi doonaan, Isla markaana ay sheegeen in mar walba ay u gudbin doonaan taas dadka indho indheeya Xaquuqul Insaanka.
Kulankan ay maanta qabsadeen Hooyinka Gobolka Cayn, Oo ay shir gudoonka ahayd Hooyo Caasha Wasame Cilmi, Ayaa u sheegtey in ay aad uga xun tahay sida xadgudubka ah ee loogu taxaabayo shacabka magaalada Laascaanood gaar ahaan Hooyinka iyo Bahda Saxaafada oo inta badan Jeelka lagu taxaabo marka ay afkooda kala furaan amaba ay dareenka iyo shucuurtooda farxadeed la qeyb sadaan ”Shacabkooda Somaliyeed iyo Dowladooda rasmiga ah ee Federalka Somalia”.
Ugu danbeeyntiina waxaa gabagabadii kulankan Haweenkaa Buraabur tiiraanyo leh kasoo jeediyey Hooyo Caasha iyo Hooyo Faadumo, Oo ay labadan Hooyoba indhahooda murugo iyo tiiranyo ka muuqatey intii ay codkooda macaan ee Buraanburkan ay ku guda jireen.
Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horeysay oo Hooyinka Gobolka Cayn, Iyo dhamaanba Ururada haweenka gobolka Cayn ay qabtaan kulamo noocan oo kale ah isla markaana ay codkooda u gudbiyaan yaga oo ka xun Tacadibyada iyo Cabidhinta ay ku hayaan maamulka SNM iyo Horgaladiisu deegaanada Sool,Sanaag Iyo Cayn.
Hadaba Hoos Ka Daawo Sawirada Ay Shabakada Allssc Xafiiskeeda Magaaalada Buuhoodle, Idiinka Soo Diyaarisey Kulankan Haweenka Ee Maanta Ka Dhacay Gudaha Magaalada Buuhoodle Ee Xarunta Gobolka Cayn.
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
Free Call: 0014406283800
Buuhoodle G/Cayn.












Short URL: http://allssc.com/?p=43209













haweenka reer laascaanood waa diideen doqomodooda kasoojeeda DEEGAANKA SSC EE KHAATUMOSTD EE U SHAQEEYA SNM IYI SIILAANYO WAXAYNA DHEHEEN WAXAASI WAA XAARAAN MIDNIMO AYAA GUULEH BIIRI Q\AATE WAA SANDULE XAABSADE IYO KAN UGU LIITA EE KAFANTIISA HARGEYSO U DOONTAY EE XAGLO QALOOCIYE WAXAAN LEEYAHAY YAAN LOOJOOJIN MUJRIMIINTA BEENTA IYO HUU HAADA LOOGUSEEXIYO WAA HORGALADA SNM EE SIILYAANYO oo sakaraada SOORTIISA DOONIMAYNO VIVA KHATUMOSTD