Kulamo ku saabsan sidii Ra’iisul Wasaaraha u hortagi lahaa Baarlamaanka oo ka socda Madaxtooyada
Mugdisho(Allssc)Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon ayaa lagu wadaa in maalinta berri uu hortago Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo xarunta Madaxtooyada ay ka soconayaan kulamo gooni gooni ah oo looga tashanayo sidii Xildhibaanada ay u ansixin lahaayeen.
Kulamadan oo loogu gogol xaarayo sidii Ra’iisul Wasaaraha u heli lahaa kalsoonida Baarlamaanka ayaa xalay waxaa Xildhibaanada Baarlamaanka si kala gaar gaar ah ay madaxdu ugu qaabileen Xarunta Madaxtooyada.
Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Mudanayaasha la kulmay madaxda dowladda ayaa sheegay in kulamada looga hadlay sidii Ra’iisul Wasaaraha u hor imaan lahaa Baarlamaanka, isla markaana ka hor jeedo qorshe howleedkiisa, kadibna la ansixiyo.
“Anaga koley Xildhibaano nahay, Baarlamaanka golihiisa sharci dejinta, xaq waxaa u leenahay wixii dowladda noo keenta inaan ansixinyo, waana waajib in ra’isul wasaaraha hor yimaado baarlamaanka hortiisa, maalinta arbacada laga yaabaa inuu yimaado oo la ansixiyo markii uu yimaado qorsho howleedkiisa markuu sheego kadibna la ansixiyo, baarlamaankana lagu hor dhaarinaya, kadibna loo fasaxato golihiisa wasiirada inuu soo dhiso”ayuu yiri Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da.
Mar la weydiiyay soo jeedinta ku saabsan in Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada isku mar Baarlamaanka ay hor-yimaadaan ayuu sheegay in aanay qaanuunka aheyn, Ra’iisul Wasaare la dhaarin inuu soo dhiso Gole Wasiiro.
“Waa arrin dastuuri qaynuuni waxaa ah marka ugu horeysa wasiirka koowaad waxaa uu howl qaban karaa markii la dhaariyo, asigoo la dhaarin xaq uma yeelanayo, sida ku qoran qodobada dastuurka ka hadlaya ansixinta Ra’iisul Wasaaraha, in Ra’iisul Wasaaraha soo hormaro, kadibna la ansixiyo, asigoo la dhaariyay uu soo dhiso Gole Wasiiro”ayuu yiri Xildhibaanka.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in kulamada wada tashiyada ay qeyb ka ahaayeen qaabka lagu saleynayo Golaha Wasiirada, isagoo xusay in talo ahaan isaga uu ku bixiyay in Golaha Wasiirada aanay ka badnaan 18-wasaaradood.
“Waxaa Ra’iisul Wasaaraha laga rabaa inuu qeexo qorshihiisa inuu badinayo Golaha Wasiirada ama yareynayo, laakiin xilliga hada lagu jiro Soomaaliya ma qaadi karto Gole Wasiiro ka badan 18, waxay rabtaa bajad badan, dhaqaalo xumada Soomaaliya ka jirta waa la dareemi karaa”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa tijaabadiisa u horeysa ay tahay dhismaha Golihiisa Wasiirada, iyadoo caqabada taagan ay tahay sida Baarlamaanka uu uga gudbi lagaa hadii uu soo dhiso Gole Wasiiro lagu qanci waayo.
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=43348












