Kormeed Waxbrasho, Wafti Ay Hogaaminayaan”Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe Iyo Suldaan Siciid Kormeer Aqooneed ku Indho Indheeyay .”Jaamacada Bariga Afrik Ee Magaalada Buuhoodle.(Video Barnaamij Aqooneed”
Buuhoodle(Allssc)Wafti balaadhan oo ay horkacayaan ” Garaad Cabdullaahi Garaad Sooofe Iyo Suldan Siciid” ayaa dhawaan kormeer booqasho ku tegay ”Jaamacada Bariga Africa” Waftigan oo iskugu jirey Wafti in mudo ah ku maqneyd caasaimada dalka Soomalia iyo Cuqaasha kale ee gobolka Cayn.
Waftigan ay hogaaminayeen labadan madaxdhaqameed” Xurmadle Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe iyo Suldan Siciid” ayaa kormeerkan ku indho Indheenayey halka ay mareyso”Jaamacada Bariga Africa”.
Waftigan ayaa markii danbeyna booqasho ku tegay dhisma qabyo ka ah Jaamacadani, Yadoo sida uu sheegay gudoomiyaha Jaamacadani”Dr.Cabdishaafi Axmed Cali” in Jaamacadu degan tahay hada dhisme kumeel gaar ah, Dhismihii loogu tala galayna uu yahay wali qabyo ayna u hadhsan yihiin baahiyo kooban.
Ugu danbeytii waftigan ay hogaaminyee labadan madax dhaqameed ayaa qiimeeya baahiyo kooban oo qabyo ka ah dhameystirka”Jaamacada Bariga Afrika Ee Magaalada Buuhoodle”
Yadoo gudoomiyaha jamacada Bariga Africa Ee Magaalada Buuhoodle Iyo Waftigani ay ugu danbeyntii soo saareen in Jaamacadani laga dhisey magaalada buuhoodle ilaa laba sano kahor, Ayna dhismaha iyo rajada jamacadani ka qeyb qaateen dadk ku nool deegankani,Waxgarad,Ganacsato,Culimaa’udiin iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan, Yadoo ay sheegeen inaysan jirin wax gacan oo ay ka geeysteen qurbajoogta u dhalatey gobolada Sool,Sanaag Iyo Cayn.
Sikastaba ha ahaatee Waftigan baaladhan ee ay horkacayaan labadan madaxdhaqameen, Ayaa gabagabadii barnaamijkan ku saabsan kormeeka aqooneed ee jaamadaca Bariga Afrika ee magaalada Buuhoodle, ay codsi Taakuleyn ah waxgaradkani u direen dhamaanba qurbo joogta u dhalatay deeganada Sool,Sanaag Iyo Cayn.
Barjaamijkani waxaa qeyb lixaad led ka qaadatey shabakada wararka caalamiga ah ee Allssc.com.
Hadaba Hoos Ka Daawo Barnaamij Dhameysiran Oo Ku Saabsan Jamacada Bariga Africa Ee Magaalada Buuhoodle.
Halkan Hoose Ka Daawo
Halkan Ka Daawo
Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014406283800
Buuhoodle G/Cayn.
Short URL: http://allssc.com/?p=43794












