ISU TAGII 1960KII LABADII GOBOL EE SOOMAALIA IYO ISU TAGII BEELAHA PUNTLAND EE 1998KII ISU MIDAB E KAA’
Sida Dad badani ogsoonyahay Taariikhdu ama dhacdoonyinka ama Dharaaraha aynu dheehanayno waa mid inbadan wax ina hogotusaalaynaysa oo sida Muraayaada oo kale Maalin walba ina hortaagan oo aan waxbadan ka barankarno, hadii aan wax yar ka Iftiimino Dadka Soomalida ah ee ku nool Geeska Afrika waxaa soo maray Qarnigii ugu danbeyey gaar ahaan intii Xoriyada la qaatay waxa soo maray wakhti aan isleeyahay wax badan ayaan ka ogaan karnaa,
Sida ka muuqata Cinwaanka Qoraalkan waxaa Gumaystihii Saan cadaalaha ahaa uu ka huleelay oo uu ka baxay Dhulkii Soomaalida qayb ka mid ah oo ay ugu horeeyeen labadii Gobol ee Waqooyiga iyo Koonfurta,,,Xiligaas Dadka Soomalida ah waxaay isu hayeen hiloow iyo kalgacal aan qiyaas lahayn iyo rabitaan ay doonayeen in Soomaaliweyn la helo Oo Dadku midooobaan ,
Soomalidii xiligaas ku noolayd Waqooyiga Soomaliya ayaa nasiib wanaag waxay heleen 1960/26/jun xoriyad qiimo badan ugu fadhiday oo dhiig badani ku daatay,,,Taas oo ay si kal iyo laab ah ayey 4 casho ka dib ula soo deg degeen in ay la midoobana walaaalohoodii Koonfureed ee iyaguna xorayad helay 1960/1/julay. ee isla sanadkaas.
Madax dii labada dhinac ee Xiligaas hogaaminaysay ayaa waxay go’ aansadeen oo isla garteen in la isu keeno Soomaaliweyn waxayna isku waa faqeen in soomaaliya la mideeyo oo lahelo soomaali uu ka dhexeeyo hal Dawlad hal Calan iyo hal Caasimad iyo waliba hal u jeedo oo leh hal saaxiib iyo hal cadaw ,taasina waxaa amaan deeda leh ragii waagaas hogaaminayey oo howsha garwadeenka ka ahaa ,
In kasta oo la Oran karo Dadkii ka socday labada Gobol uma sinayn in Soomaaliya midoowdo oo wax la isu darsado, tusaale ahaan ragii xilgaas matalayey Reer Waqooyiga aayaa aad ugu firan fircoonaa oo aad ugu dadaalay in umadda Soomaaliyeed ee walalaha ah meel la isku keeno oo la mideeyo oo aan wax shuruud ah lagu xirin taasna waa ta saababtay in ay dhinac usu raacdo Caasimadii Wadanka Madaxweynihii iyo awoodihii Dawlad nimo oo dhan badankood in loo hibeeyey dadkii Reer Koonfurka ahaa,
hadii Dad ama laba Dawladood midoobayaan ama Dad wax isku darsadan Cadaaladu waxay ina baraysaa in si siman wax loo qaybsado oo ugu yaraan wax uun la qaybsado laakin taasi ma dhicin.oo hal dhinac ayey isu raaceen Dawladii dhamayd marka laga reebo wax yar oo faro guud kood ah.inkasta oo labadii dhinac midba si u qiimeeyey wax qaybsigaas Xiligaas ragii ka socday Reer Waqooyigu waxaa Halku dha goodu ahaa, Shantoo israacdaa wacnaydaa Calanka oo aan wadaagnaa wacnaydaa Soomaali oo aan walaalaynaa wacnaydaa inaga oo iswehelshanaa wacnaydaa, taasaan waa ta keentay inay aqbalaan heshiiskii qodabadiisa ay ma mid ahaayeen sidan,
1,Caasimadu Jamuuriyada Soomaaliya waa Muqdisho Dalkuna waxa uu ka kooban yahay 8 Gobol lix Koonfur ah iyo labo waqooyi ah,
2,in Mudanayaasha Baarlamaanku yahay 123 Mudane 90 Koonfur ah iyo 33 Waqooyi ah taasna waaxa la orankaraa sidii loogu liisay laguma hanbayn,
Dhisitaankii maamul Goboleedka Puntland iyo beelaha daga dhulkaas,sida dad badan ogsoon yahay waxa jiray hilow iyo xiiso loo qabay in beelaha degaankaasi ay midoobaan oo wax badan la isku darsado,inkasta oo ay waxbadan ku kala duwanaayeen dhaqan ahaan iyo deegaan ahaanba oo aysan jirin is dhexgal badan oo xiligaas ka horaysay,,
1998kii markii la dhisay maamulkaas waxaa dhacday dhacdo la mid ah tii dhacday 60kii ee isku darsadkii koonfur iyo waqooyi, oo waxaa dhacday in hal dhinac ay isu raacday Caasimadii madaxwaynihii iyo awoodii dawlada oodhan, uma baahna faahfaahin dheeri ah,in sidaas wax u dheceen ..,
la soco qayb danbe ooo xiiso badan oo aan ku dhamaystirayno qormadan cinwaankeedu ahaaa,isu tagii 1960kii ee labadii gobol ee soomaliya iyo isutagii beelaha puntland usu midab ekaa,,,,
W/Q Daahir yusuf Alas, daahir0088@hotmail.com
Naaji@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=42524












