Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

ISU TAGII 1960KII LABADII GOBOL EE SOOMAALIA IYO ISU TAGII BEELAHA PUNTLAND EE 1998KII ISU MIDAB E KAA’‏

Sida Dad badani ogsoonyahay  Taariikhdu ama dhacdoonyinka ama Dharaaraha aynu dheehanayno   waa mid    inbadan wax ina hogotusaalaynaysa oo  sida Muraayaada oo kale  Maalin walba ina hortaagan oo   aan waxbadan ka barankarno,
 hadii aan wax yar ka Iftiimino  Dadka Soomalida  ah ee ku nool Geeska Afrika waxaa soo maray Qarnigii  ugu danbeyey gaar ahaan intii Xoriyada la qaatay waxa soo maray wakhti aan isleeyahay wax badan ayaan ka ogaan karnaa,
 Sida ka muuqata Cinwaanka  Qoraalkan waxaa  Gumaystihii Saan cadaalaha ahaa uu ka huleelay oo uu ka baxay Dhulkii Soomaalida   qayb ka mid ah  oo ay ugu horeeyeen labadii Gobol ee Waqooyiga iyo Koonfurta,,,Xiligaas  Dadka Soomalida ah waxaay isu  hayeen hiloow iyo kalgacal aan qiyaas lahayn  iyo rabitaan ay doonayeen in Soomaaliweyn la helo Oo Dadku midooobaan ,
Soomalidii xiligaas  ku noolayd Waqooyiga Soomaliya ayaa nasiib wanaag waxay heleen 1960/26/jun xoriyad qiimo badan ugu fadhiday oo dhiig badani ku daatay,,,Taas oo ay si kal iyo laab  ah ayey  4 casho ka dib  ula soo deg degeen in ay la midoobana walaaalohoodii Koonfureed ee  iyaguna xorayad  helay  1960/1/julay. ee isla sanadkaas.
 Madax dii labada dhinac ee Xiligaas  hogaaminaysay ayaa waxay go’ aansadeen oo isla garteen in la isu keeno Soomaaliweyn waxayna isku waa faqeen in soomaaliya la mideeyo oo lahelo  soomaali uu ka dhexeeyo hal Dawlad  hal Calan iyo hal Caasimad iyo waliba  hal u jeedo oo leh hal saaxiib iyo hal cadaw ,taasina waxaa amaan deeda leh ragii waagaas hogaaminayey oo howsha garwadeenka ka ahaa ,
In kasta oo la Oran karo Dadkii ka socday labada Gobol uma sinayn in Soomaaliya midoowdo  oo wax la isu darsado, tusaale ahaan ragii xilgaas matalayey Reer Waqooyiga aayaa aad ugu firan fircoonaa oo aad ugu dadaalay in umadda Soomaaliyeed ee walalaha ah meel la isku keeno oo la mideeyo oo aan wax shuruud ah lagu xirin taasna waa ta saababtay in  ay dhinac usu raacdo  Caasimadii Wadanka Madaxweynihii iyo awoodihii Dawlad nimo oo dhan badankood in loo hibeeyey  dadkii Reer Koonfurka ahaa,
hadii Dad ama laba Dawladood midoobayaan ama Dad wax isku darsadan Cadaaladu waxay ina baraysaa in si siman wax loo qaybsado oo ugu  yaraan  wax uun la qaybsado laakin taasi ma dhicin.oo hal dhinac ayey isu raaceen Dawladii dhamayd marka laga reebo wax yar oo faro  guud kood ah.inkasta oo labadii dhinac midba si u qiimeeyey wax qaybsigaas Xiligaas ragii ka socday Reer Waqooyigu   waxaa Halku dha goodu ahaa, Shantoo israacdaa wacnaydaa Calanka oo aan wadaagnaa wacnaydaa Soomaali oo aan walaalaynaa wacnaydaa inaga oo iswehelshanaa wacnaydaa, taasaan waa ta keentay inay aqbalaan heshiiskii qodabadiisa ay  ma mid ahaayeen sidan,
1,Caasimadu  Jamuuriyada Soomaaliya waa Muqdisho Dalkuna waxa  uu ka kooban yahay 8 Gobol lix Koonfur ah iyo labo waqooyi ah,
2,in Mudanayaasha Baarlamaanku yahay 123 Mudane  90 Koonfur ah iyo 33 Waqooyi ah taasna waaxa la orankaraa sidii loogu liisay laguma hanbayn,
 Dhisitaankii maamul Goboleedka Puntland iyo beelaha daga dhulkaas,sida  dad badan ogsoon yahay waxa jiray hilow iyo xiiso loo qabay in beelaha degaankaasi ay midoobaan oo wax badan la isku darsado,inkasta oo ay waxbadan ku kala duwanaayeen  dhaqan ahaan iyo deegaan ahaanba   oo aysan jirin is dhexgal badan oo xiligaas ka horaysay,,
1998kii markii  la dhisay maamulkaas waxaa dhacday dhacdo la mid ah tii dhacday 60kii ee isku darsadkii koonfur iyo waqooyi, oo waxaa dhacday in hal dhinac ay isu raacday Caasimadii madaxwaynihii iyo awoodii dawlada oodhan, uma baahna faahfaahin dheeri ah,in sidaas wax u dheceen ..,
la soco qayb danbe ooo xiiso  badan oo aan  ku dhamaystirayno qormadan cinwaankeedu ahaaa,isu tagii 1960kii  ee labadii gobol ee soomaliya iyo isutagii beelaha puntland  usu midab ekaa,,,,
W/Q Daahir yusuf Alas,  daahir0088@hotmail.com
Naaji@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=42524

Posted by on Oct 3 2012. Filed under Fikradaha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery