Hey’adda Nabadsugida oo Muqdisho ku soo bandhigtay dhalinyaro 50-meeyo ah.(Sawiro+Warbixin)
Mugdisho(Allssc)-Hey’adda Nabadsugida qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay dhalinyaro 50-meeyo ah oo ka soo goostay Al-Shabaab, kuwaasoo ka kala yimid deegaano ka tirsan Gobolada dalka.
Dhalinyaradan ayaa lagu soo bandhigay Xarunta Nabadsugida Gobolka Banaadir, waxaana halkaas Saxaafada kula hadlay Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg.
Khaliif Ereg ayaa sheegay in dhalinyaradan ay iskood isu soo dhiibeen, isla markaana ay ahaayeen dhalinyaro la qalday oo gartay inay qarankooda u shaqeeyaan sida uu yiri.
Waxaa uu sheegay in dhalinyaradan ay durba u sameeyeen xirfado tababaro, si ay noloshooda ugu maareeyaan, waxaana uu intaa ku daray in dhalinyarada kale ee Al-Shabaab marin habaabiyeen ay u sameynayaan xirfado ay noloshooda ku dabiraan.
Mid ka mid ah dhalinyaradii isu soo dhiibay Nabadsugida ayaa sheegay inuu ka yimid degmada Afgooye, isla markaana uu go’aansaday in dowladda ku soo biiro, isagoo tibaaxay in Al-Shabaab ay qaldeen.
Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa maalmihii u dambeeyay si is-daba joog u soo bandhigayay dhalinyaro lagu soo qabto howl galada, hub iyo waxyaabo qarxa, waxaana howl galadu beryihii u dambeeyay ay ahaayeen kuwo taxane ah.

Short URL: http://allssc.com/?p=44029












