Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Guddoomiyaha degmada Bardaale oo ku dhaawacmay weerar lagu qaaday gurigiisa

Bardaale(allssc)-Iska horimaad xoogan oo xalay ku dhex maray degmada Bardaale ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab iyo ilaalada guriga guddoomiyaha Bardaale ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ka imanaya degmada Bardaale ayaa sheegaya in xalay ay weerar ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan Alshabaab guriga guddoomiyaha degmada Bardaale halkaa oo uu ka dhacay dagaal xooggan.

Iska horimaadkan ayaa waxaa ku dhaawacmay guddoomiyihii degmada Bardaale halka tiro kale oo labadii dhinac ee ku dagaalantay ay ka soo gaartay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal u hadlay maamulka degmada Bardaale ayaa xaqiijiyey dhaawaca guddoomiyaha degmada Bardaale, sidoo kale sarkaalkan ayaa waxaa uu sheegay in afar ka mid ah ciidamadii weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa Alshabaab ay dileen halka uu mid kamid ah ilaalada guddoomiyaha degmada Bardaale uu ku dhintay.

Mas’uulkaan ka tirsan dowlada ee ku dhaawacmay iskahorimaadkan ayaa waxaa uu noqonayaa mas’uulkii labaad oo muddo 24 saac ah ay waxyeelo ka soo gaarto weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ururka Alshabaab ka fuliyeen deegaano ka mid ah gobolada dalka ee ay hore Alshabaab lagala wareegay.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerarkii shalay lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo gelbineysay taliyihii guutadii 5aad ee ciidamada dowlada General Gordon kaasoo ku dhintey kadib markii weerar gaadmo ah lagu qaaday kolonyadii uu la socday.

Short URL: http://allssc.com/?p=44270

Posted by on Oct 29 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Recently Commented

Photo Gallery