Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Golaha Wasiirada Somalia Oo Lagu Wado In Lagu Dhawaaqo 48 Saac Ee Soo Socda

Muqdisho(Allssc): Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Dr Saacid Faarax Garaad ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada.

Warar hoose aynu ka helnay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo Aqalka Madaxtooyada ayaa sheegaya in 48 saac gudahood lagu dhawaaqi doono Golaha Wasiirada.

Waxaa soconaya latashiyadii ugu danbeeyay, iyadoona warar aynu ka helnay Madaxtooyada ay shegayaan in maanta ay kulamo yeesheen sedexda masuul ee dowlada ugu sar sareysa.

Dad badan  ayaa saadaalinaya in xukumada cusub ay noqon doonto mid lagu arko wajiyo cusub. Inta badan Golaha Wasiirada ayaa ka imaan doona gudaha dalka, waxaana ay ku kala imaan doonaan iyagoo taageero ka haysta madaxeynaha dowlada, Gudoomiyaha barlamaanka iyo Ra’isul Wasaaraha dowlada.

Waxaaa sidoo kale aan ka maqnaan dooni Aqoonyaho Qurba joog ah kuwaas oo ka qayb qaadanayay isbadalkii uu dalku soo maray midaas oo looga guurayay Kumeel gaadhnim oloona guuray Dowlad Federal ah oo dhamnaystiran.

Allssc News Desk Muqdisho

Allssc3@gmail.com

Allssc@hotmail.com

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=44243

Posted by on Oct 28 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery