Faroole Oo La God Uu Galo Kadib Markii Samada Lagaga Qayliyay (Dhagayso Codadka Wargaradka Oo Qaylo Dhaamiyay).
Gaalkacyo(Allssc): Gelinkii hore ee Maalinimadii Axada (30, Sep, 2012) waxaa ka dhacay magaalada Gaalkacayo gaar ahaan Hoteel Al- xuseen shir balaaran oo ay isugu yimaadeen inta badan waxgaradka Magaaladda Gaalkacayo.
Sida uu u sheegay mid ka mid ah qaban qaabiyaashii Shirkaas Horseed Media ajandaha lagu falan qaynayey shirkaas wuxuu ka koobaan sadex qodob oo kala ah :-
- Mudo kordhinta Xukuumadda Madaxweyne Dr. Faroole samaysatay.
- Qorshaha Xukuumadda ee ku aadan Nidaamka Xisbiyadda badan.
- Caburintia Xukuumaddu ku hayso Xoriyatul qawalka & saxaafadda.
Shirkaas oo la soo gebo gebeeyey gelinkii danbe ee isla maalinimadd Axada waxaa laga soo saaray Go’aamo dhamaan qodobadii laga dooday.
Mudo kordhinta Xukuumadda.
Waxgaradka magaaladda Gaalkacayo ee Gobolka Mudug waxay si wadajir ah u canbaareeyeen mudo kordhinta ay Xukuumadu wakhtigan samaysatay iyagoo u arka inay tahay mid aan macquul ahayn isla markaana sinaba loo aqbali doonin.
Waxay ugu baaqeen Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) & Xukuumadiisu inaya doorashada qabtaan wakhtigeedii 9, Jan, 2013.
Nidaamka Xisbiyadda badan.
Waxgaradkii ka soo qayb galay shirka dhamaantood waxay isku raaceen in Puntland u baahan tahay inay u guurto nidaamka xisbiyada badan hase ahaatee wakhtigan aanu suurtagal ahayn in dalka laga hirgeliyo nidaamkaas sababahan awgood:-
A) Wakhtigii xukuumadda oo ay ka harsan tahay 3 bilood oo keliya.
B) Amaanka Puntland oo aan ahayn mid hagaagsan.
C) Afti Dadweyne oo aan loo qaadin Dastuurka Qabyada ah.
D) Diiwaangelintii Dadka reer Puntland oo aan la samayn.
E) Maamulkii oo aan ku baahsanayn Degmoyinka Puntland oo dhan.
F) Midnimadii Puntland oo khatar weyn ku jirta.
G) Deeganadda Dowladdu sheegtay in Doorashada laga qaban doono oo aan qaarkood gacanta Dowladda ku jirin sida (Ceerigaabo, Caluula & Laascaanood) I.W.M.
H) Xuduudihii Puntland oo aan sugnayn oo qaarkood Xukuumada kale gacanta ugu jiraan.
Waxgaradku waxay isku raaceen in Xukuumadda dhalan doonta wixii ka danbeeya 9 Jan, 2013 loo daayo sidii ay Dalka uga hirgelin lahayd nidaamka Asxaabta badan.
Caburintia Xukuumaddu ku hayso Xoriyatul qawalka & saxaafadda.
Waxagaradkii ka soo qayb galay shirka waxay muujiyeen sida ay uga xunyihiin Caburinta, Cago juglaynta, Xariga & Cadaadiska Xukuumadu la beegsato warbaahinta madaxa banaan & muwaadin kasta oo si xor ah u cabira rayigiisa.
Waxay ugu baaqeen Xukuumaddu inay joojiso falalka noocaas oo kale ah ayna ilaaliso Dastuurka Puntland oo xaq u siinaya muwaadin kasta inuu si xor ah u cabiro dareenkiisa Saxaafaduna ay u gudato waajibaadkeeda shaqo si ka madax banaan faragelin Dowladeed.
Nuxurka Khudbadihii Kulankaas laga jeediyey.
Gen. Cali Baadiye.
Gen. Cali Baadiye Oo horay Puntland uga soo noqday Taliyaha Ciidamada Qalabka sida (Daraawiishta) wuxuu Xukuumadda Madaxweyne Faroole uga digay awooda ay isticmaalayso oo uu sheegay inaysan meelna ku gaari ayna ku tusaale ku qaataan sidii afka ciida loogu daray digtaytaro iyaga ka awood badnaa.
Wuxuu sheegay inay tahay mid wakhtigeedii la soo dhaafay hawsha Xukuumadda hada ku mashquulsan tahay ee hirgelinta nidaamka Xisbiyada badan oo uu xusay in hadii maalintii ay Xukunka qabsadeen bilaabi lahaayeen geedi socodka Dimuqraadiyada ay maanta wax kasta gebo gebo ahaan lahaayeen balse aysan suurtagal noqonayn markii wakhtigu ka dhamaaday inay bilaabaan shaqo ay horay u soo qaban waayeen.
“Jan, 2009 ayey xilka qabsadeen Feb, 2010 ayaa Dastuurka Baarlamaanka la mariyey markaas waxaa u harsanaa 3 sano labadii bilood ee ku xigtay hadii ay u yeeri lahaayeen odayaashi Dastuurka ansixiyey oo ayaantaa gacanta loo taago oo gudiga ini xasan bare & cismaan khadar ayaantaa la sameeyo oo ayaantaas hawshaas lagu dhaqaaqo saaka Axsaabtii oo furan, doorashii oo xalal ah, ololihii oo socda, goobihii oo calaamadaysan waxkasta oo diyaarsan baa saaka la heli lahaa lama yeeline ninyahoow cudurkaas madaxda reerkayagu waa wada qabaan sharciga waa ka baqaan kii u geesisanaa AHN Cabdulaahi Yuusuf buu ahaa mar alle markii 3 bilood wakhtigiisii ka harsanaa ayuu ku waashay hala joojiyo hala gu daro, Cade muuse isagana sidaa oo kale, Dastuurka meel baa la iska dhigayaa ma waxaa loo dhigayaa maalintii 3 bilood harsan tahay in boorka laga jafo oo la dhaho hadaa la dhamaynayaa la yeeli maayo la yeeli maayo hadaad qoryo haysato la imoow” Ayuu yiri Gen. Cali Baadiye.
Halkan Hoose Ka Dhegayso Khudbada Gen. Cali Baadiye.
Nabadoon Axmed Xirsi Toban Tobaale.
Nabadoon Axmed Xirsi Toban Tobaale oo ka mid ah Nabadoonadda Gobolka Mudug ayaa sheegay in shirku yahay mid muhim ah maadama lagaga hadlayo badbaadinta Puntland oo uu ku tilmaamay inay tahay mid xaq ah.
Wuxuu sheegayn in Maamulka Puntland maanta uusan ka talin in badan oo ka mid ah Deegaanadii ku midoobay dhismihii Puntland 1998 isagoo si cad ugu digay Gudiga Doorashada & Gudoomiyayaasha Degmooyinka.
“Waxaan u digayaa dadka hada looo soo dirayo Degmooyinka & Gobolada oo la leeyahay xisbiyada & xisbiga Madaxweynaha ka soo fura dadkaasi waxaa mooda bilowgii daandaansigii rabshadeed ama fidmo inay tahay sababtu waxa weeye dad caraysan oo dulman oo aan waxba loo qaban hadii dad loo dirso oo la dhaho Xisbiyo furan oo hubaysan waxaa mooda inay tahay bilowgii isku dhaca ina tahay oo amni xukumada & khal khalku ka iman doono Taas waxaan leenahay halaga waan toobo, Waxaan kale oo digniin culus u jeedinayaa dadka Gobolada & Degmooyinka xukuma oo maamulka la shaqeeya dadkaas laftigoodu waa inay ka digtoonaadaan inay dadka caburiyaan oo ay dhahaan dadka ma hadli kartaan oo ay xisbi u shaqeeyaan hadii ay fiirsanayaan danahooda & wax ku saabsan dee waxaba laba bilood oo keliya baa ka harsan oo is bedelayaan” Ayuu yiri Nabadoon Axmed Xirsi.
Nabadoon Tobon Tobaale wuxuu u diray baaq Madaxweyne Ku xigeenka, Wasiirka Arrimaha Gudaha & Gudoomiyaha Baarlamanka isagoo u sheegay in dadka reer Puntland aysan doonaynin mudo kororsi 90%, Wuxuu yiri arrintaas hadii Cabdiraxmaan wato & hadii aad la wadataan arrintaas ka fiirsada dib ugu noqda hadii aad wax ka qaban weydaana noo soo gudbiya anagaa wax ka qabanayna e.
Halkan Hoose ka Dhegayso Khudbada Nabadoon Tobon Tobaale.
Nabadoon Yaasiin Cabdisamed.
Nabadoon Yaasiin Cabdisamed wuxuu sheegay inay isugu yimaadeen munaasabad qaylo dhaan ah oo lagu badbaadinayo jiritaanka Puntland oo uu ku tilmaamay inay tahay muqadas.
Wuxuu uga digay Madaxweyne Dr. Faroole & Xukuumadiisa inay ku dhaqaaqaan mudo kordhin isagoo yiri.
“ Xukuumadii Cade waxaa laga diiday 1 sano oo kororsi ah Cadaalad baa ilaahay ina faray mudo kororsigii Cade laga diiday maanta Faroole laga yeeli maayo C/raxmaan isagaa shalay diidanaa in 1 sano lagu daro maanta inuu isagii doono waa garasho xumo waxaan leeyahay marka mudo kororsiga mida Baarlamaanku waxay ku xiran tahay Nabadoonada & Isimada maadama ay magcaabeen martina looga noqon maayo Xukuumadda maalinta 31 Oct, 2012 oo Baarlmaanka wakhtigiisu dhaco Dalka wixii ka xumaada Masuuliyadiisa waxaa leh Nabadoonada & Isimada marka iyaga (baarlamanka) laga baryi maayo, Cabdiraxmaana waxaan leenahay hadii Baarlamaanka la kala diro hadee iyagaa awalba meesha ku keenay asal & faracna Asalkaa weyn mudadaaduba intaas bey ku egtahay Baarlamaanka hadi wakhtigiisuu dhamaado oo uu meesha ku kala tago Cabdiraxmaan xoog Madaxweyne ku ahaan maayo” Ayuu yiri Nabadoon Yaasiin Cabdisamed
Halkan Hoose ka dhegayso Khudbada Nabadoon Yaasiin
Dahabo Maxamed Bare Wadani.
Dahabo oo ka mid ah Haweenka ku dhaqan Degmadda Gaalkacayo kana mid ah xunaha u ololeeya Bulshada rayidka ah waxay sheegtay inaysan aamin sanayn Madaxweynaha oo ka soo jeeda Qoys diinta ku caan ah inuu mudada kororsado oo ka been sheego kitaabkii shalay lagu dhaariyey.
Halkan Hoose ka dhegayso Khudbadii Dahabo Maxamed Bare.
Nabadoon Maxamed Xasan Dhurwaa.
Nabadoon Maxamed Xasan oo ka mid ah Nabadoonadda soo jiriteenka ah ee Puntland ayaa ka mid ahaa xubnihii halkaas ka hadlay wuxuuna ka sheekeeyey marxaladihii ay Puntland soo martay isagoo sheegay in ay maanta marayso meel adag.
Wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha, Xukuumadiisa & Baarlamaanka inay joojiyaan mudo kordhinta ay samaysteen isagoo tusaale u siiyey waxaa ku dhacay keligii taliyayaashii Afrika & Carabta.
Wuxuu sheegay in Puntland dhibaato ka soo martay mudo kordhin ayna ku weyday wiilal badan isagoo yiri:
“Waxaan leenahay 4-tii sano oo uu ku dhaartay Madaxweynaha & Baarlamaanku inay ku ekaadaan oo aysan wakhti ku darsan oo sanadka ku darsiga ah uu ka gudbo oo ka joogaan baanu kula talinaynaa anagoo xasuusinayna Afrika kelitaliyayaashii waxay soo mareen, markii u danabysay AHN. Cabdulaahi Yuusuf oo 500 oo nin ku dhimatay ku darsigii sanadka ahaa dhibaatada noocaas ah anagoo eegayna in laga gudbo oo aysan dhicin waayo aragnimona laga qaato Madaxweyne Faroole, Xukuumadiisa & Baarlamaankiisu wakhtigii 4-ta sano ahaa inay ku ekaadaan 8 Jan, 2013 xilka degaan oo ku tartamaan doorashada ama in ku filan waa haystaa e uu iska dhaafo baan leenahay” Ayuu yiri Nabadoon Maxamed Dhurwaa.
Halkan Hoose ka Dhegayso Khudbada Nabadoon Maxamed Xasan Dhurwaa
Cabasho la muujiyey.
Qaar ka mid ah Waxgaradkii Shirka ka qayb galay oo la soo xiriiray Horseed Media waxay kaga cawdeen Xukuumada, Maamulka Gobolka & kan Degmadda inay u diideen Shirkaas inay ka soo qayb galaan Warbaahinta ka hawl gasha Gaalkacayo oo ay ku soo casumeen si ay go’aamada ugu tebiyaan wakaaladahoodii, Talaabadaas oo ay ku tilmaameen inay tahay Caburin & Xad gudub aan loo dul qaadan doonin.
Mudo kordhinta Xukuumadda.
Xukuumadda Madaxweyne Dr. Faroole oo wakhtigeedu ku egyahay 8 Jan, 2013 ayaa ku dhawaaqday inay ku darsatay mudo 1 sano ah si ay u dhamays tirto waxay ugu yeertay geedi socodka Dimuqraadiyada hase ahaatee waxay inta badan Dadweynaha Reer Puntland u muuqdaan kuwo aanu u cuntami qorshaha Xukuumaddu.
Halkan Hoose Ka Dhagayso
Halkan Ka Dhagayso
Allssc News Desk
Allssc3@gmail.com
Allssc@hotmail.com
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=42479












