Dowladda Somaliya Oo Shaaca Ka Qaaday In Al Shabaab Ay U Jeedineyso Fursadii Ugu Dambeysay (Aqriso)
Dowladda Soomaaliya oo dagaalada kaga itaal roonaatay Xoogaga Shabaab, ayaa waxay shaaca ka qaaday inay u jeedineyso digniintii ugu dambeysay, oo ay Xoogaga Shabaab ku badbaadi karaan.
Sii Haayaha Jagada Wasiirka Gaanshaandhiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise, oo Saxaafada kula hadlay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Al Shabaab ay u jeedinayaan digniintii ugu dambeysay.
Wuxuu sheegay in Xoogaga Shabaab ay xilligaan heystaan fursad wanaagsan oo ay hubka ku dhigi karaan, kuna soo biiri karayaan buu yiri Dowladda Soomaaliya, iyagoo markaasi dhianc ka raacaaya dadkooda.
Wuxuu xusay inaysan dooneyn in dhalinyarada ka dhinac dagaalameysa Al Shabaab ay ku dhamaadaan dagaalada, maadaama uu sheegay in si weyn dagaalada looga gacan sareeyo Ururka Al Shabaab.
Al Shabaab ayaa wuxuu ugu baaqay inay fahmaan in dagaalada ay ka soo gaarayaan khasaaro xoogan, sidaasi daraadeedna wuxuu sheegay in uu ugu caqli celinaayo inay hubka iska dhigaan, dadkoodana ay dhinac ka raacaan.
Xuseen Carab Ciise ayaa wuxuu ugu dambeen uu sheegay in haddii Xoogaga Shabaab ay diidaan inay fursadaan ka faa’iideystaan, la-arki doono buu yiri natiijada cawaaqib xumada ka soo gaarta Al Shabaab.
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=43094












