Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Diyaar garowga Ciidul Adxa oo laga dareemayo Suuqyada Magaalada Buuhoodle.(Warbixin)

Iyadoo maalinta berri ay ku beegan tahay Ciidul Adxa ayaa maanta waxaa diyaar garow aad u ballaaran laga dareemayaa suuqyada magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, halkaasoo ay buux dhaafiyeen dadweyne fara badan oo wax ka iibsanaya.

Inkastoo Ciidan Soomaalida u taqaano Ciid-weyn, ayaa waxaa Carwooyinka dharka lagu iibiyo lagu arkayay caruur ay waalidiintooda la socdeen, kuwaasoo ay u iibinayeen dharka.

Suuqa Carwooyinka  ayaa aad u buux dhaafay, waxaana dadweynaha ay ku mashquulsan yihiin dukaameysiga, waxaana aad u saxmad u ahaa goobaha lagu iibiyo Xalwada, Buskutka iyo waxyaabaha kale ee mac-macaanka ah.

Sidoo kale waxaa iyana aad u buuxay goobaha haweenka isku qurxiyaan oo gabdhaha yar yar loo saarayay cilaan halka kuwo kalana la qurxinayay.

Ciidan ayaa ka duwan ciidihii hore maadaama dadku ay labadii maalmood ee u dambeeyay ay ku mashquulsanaayeen diyaar garowga Ciida, waxaana ciidan ay caan ku tahay xoolo qalka.

Ciidan Carafo ayaa imaaneysa iyadoo dalku galay is bedel dhinaca hoganka, kadib markii doorashada Afhayeenka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ay ka dhacday bishii hore, Yadoo dhamaanba shacabweynaha maamulka Khaatumo State iyo deegaanada Sool,sanaag Iyo Cayn ay yana taasi soo dhaweeyeen.

Dhanka kale bulshada weynta ku dhaqan gudaha magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ee maamul goboleedka Khaatumo State, Ayaa dhamaanba u diraar ah maalinta bari ah Farxad iyo Rayn Rayn sidoo kale xoolo qalinka Ciidul Adxaha.

Ku Caam Wa Antum Bilkheyr.

Hadaba Hoos Ka Daawo Sawiro Qeyba Ka Soo Dhaweynta Ciidul Adxaha Oo Ku Beegan Maalinta Bari ah Iyo Sida Ay Shacabka Reer Buuhoodle Usoo Dhaeynayaan Ciidan Qiimaha Badan Ugu Fadhida Umada Muslimiinta Ah Iyo Salaada Bari Sida Ay Uga Muuqato U Diyaar Garoowgeeda Shacabka Reer Buuhoodle.

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014406283800
Buuhoodle G/Cayn.





Short URL: http://allssc.com/?p=44032

Posted by on Oct 25 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Recently Commented

Photo Gallery