Deg Deg: Magacaabistii Golaha Wasiiarda Oo Dib Loo Dhigay Kadib Markii La Isku Mari Waayay
Muqdisho(Allssc):Warar haatan naga soo gaaray xarunta madaxtooyada ee dowlada Soomaaliya ayaa sheegaya in dib loo dhigay magacaabidii Golaha Wasiirada.
Wariyaal looga yeeray Madaxtooyada ayaa soo sheegaya in Wariyaasha lagu wargeliyay in ay goobta isaga tagaan oo aan maanta wax lagu dhawaqi doonin.
Sidoo kale waxaa loo sheegay in beri dib loogu dhigay magacaabida Golaha Wasiirada.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in ay ahayd in galabta lagu dhawaaqo golaha Wasiirada, hadana uu yimid khilaaf kale oo ku aadan golaha wasiirada tirada ay noqon doonaan.
Tirada golaha wasiirada ayaa la isku hayaa in ay noqdaan 9 ama 18 taas oo dib udhaca keentay
Maxamed Wali Muqdisho Allssc News Desk
Short URL: http://allssc.com/?p=44433












