Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

War Deg Deg Ah:- Villa Soomaliya & IGAD Oo Isku Raacay Masuuliyadda Maamul U Sameeynta Goboladda Laga Saaray Al Shabaab

Mugdisho(Allssc0Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xogahayah Guud ee Urur Goboleedka IGAD Mahbub Moalim ayaa waxa ay isku raaceen in wixii maanta ka danbeeya Waxaa laga heshiiyey masuuliyadda maamul u sameeynta goboladda la xoreeyey leedahay Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Xoghayaha oo ku kulmay maanta Caasimada Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa warsaxaafeed kasoo saaray kulankloodii iyaga ku sheegay warsaxaafadedka in laga wada hadlay arimo ay kamid yihiin Ammaanka, Siyaasadda iyo Kaalinta Wadamadda Geeska Afrika ay ku leeyihiin Dowladdda Soomaaliya.

Mala saadalin karo isafgaradkaan ku aadan mamul u sameynta meelaha laga saray Xarakada Al Shabaab sida uu ku hirgali karo iyada oo ay sii badanayaa diidmada Villa Soomaaliya ay dadka deegaamada qaar ugu diidan yihiin ku lug lahaanshaha Maamul u sameynta deegaamadaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ballaaran ee uu hogaaminayey Xogahayah Guud ee Urur Goboleedka IGAD Mahbub Moalim .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Ammaanka, Siyaasadda iyo Kaalinta Wadamadda Geeska Afrika ay ku leeyihiin Dowladdda Soomaaliya .

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa madaxweynaha uga warbixiyey kulanka maalmahii la soo dhaafay ka socday Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlayey sidii loo hagaajin lahaa Ammaanka Goboladda laga xoreeyey Al Shabaab iyo sidii maamul hoose loogu sameeyn lahaa, waxaana la isku raacay in masuuliyadda maamul u sameeynta goboladda la xoreeyey leedahay Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeeyntii Xogahayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa u sheegay Madaxweyanaha in diyaar u yihiin gacan siinta Dowladda Soomaaliya iyadoona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudana Xasan Sheekh uu uga mahadceliyey Urur Goboleedka IGAD tageerada ay siiyaan Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xogahayah Guud ee Urur Goboleedka IGAD Mahbub Moalim.

Allssc News Desk/Online
hiirad@allssc.com
allssc@allssc.com
naaji@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=43395

Posted by on Oct 16 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery