Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Deeq Lacageed Oo La Soo Gaadhsiiyey Xaronta Agoomaha Ee Magaalada Buuhoodle Dhismaheedu Ka Socdo.(Sawiro+Warbxin)

Buuhoodle(Allssc)Waxaa saaka soo gaadhey xarunta agoomaha ee dhismaheedu ka socdo gudaha magaalada Buuhoodle deeq lacageed oo ka timid jaalidaha Somaliyeed ee dalka Sweden gaar ahaan magaalada Booroos.

Deeqdan oo loosoo wakiishey sheekha magaalada Buuhoodle Sheekh Cumar Soodaani, Isla markaasna uu kusoo dimey amaba usoo gudbiyey Cabdicasiis Xassab Colaad oo ku nool wadanka Saweden gaar ahaan magaalada Booroos.

Deeqdan oo cadadkeedu ahaa 1000$  deeqdan oo lagu soo simey gudoomiyaha xarunta agoomaha ee dhismaheedu ka socdo gudaha magaalada Buuhoodle Sheekh Cabdinuur X.Maxamuud Awmuuse oo isagu ka mid qoyska reer Awmuuse oo ah qoys ka dhulka dhismahani ka socdo bixiyey.

Jaaliyada Sweden gaar ahaan magaalada Booroos ee deeqdan soo dirtey ayaa ah mid iskugu jirta Carab iyo Cajab sida uu sheekh Cumar Soodaani warbaahinta saaka u sheegay, Sidoo kale jaaliyada yagu u dhashay gobolka Cayn ee yaguna ku nooll wadanka Sweden ayaa ka qeyb qaatey deeqdan, Yadoo dhamaanba dadkan Islaamka ah ee deeqdani soo direy ay ugu tala galeen in waalidiintood oo dhintey Alle loogu baryo saakana ay loogu duceeyey Xarunta Agoomaha Oo Dhismaheedu Socdo dhexdooda.

Dhanka kale gudida Xarunta Agoomaha Ee Dhismaheedu Ka Socdo Magaalada Buuhoodle Ayaa Maanta Warbaahinta Loo Magacaabay Waxayna Kala Ahaayeen.

1.Cabdinuur X.Maxamuud Awmuuse.
2.Sheekh Cumar Soodaani
3.Sheekh Cabdi Shaafi Axmed Cali.
4.Sheekh Cabdirashiid X.Samater.
5.Sheekh Mukhtaar Axmed X.Faarax.
6.Sheekh Mubaarik Xuseen Sugule.
7.Sheekh Cali Xaaji Cabdalle .
8.Sheekh Abakor Maxamuud Awmuuse.
9.Sheekh Cabdiraxman Saleeban X.Maxamuud.
10.Maxamed Muuse Faarax Buley.

Dhamaanba culimadani kor ku xusan ayaa kala ah Gudida Xarunta Agoomaha ee Dhismaheedu Ka Socdo Magaalada Buuhoodle.

Dhanka Kale waxaa isna Bahda Saxaafada la Hadley Oo u sheegay inay soo gaadheen deeqahani Cabdinuur X.Maxamuud Awmuuse  oo ah guudoomiyaha gudida dhismaha xarunta Agoomaha, Yadoo uu sheegay Cabduur X.Maxamuud awmuuse in ay jiraan yana deeqo ale oo soo gaadhey kala soo gaadhey daafaha dunida, Yagoona kala ah.

1.Dayib Xirsi Gabaydh oo soo direy” 500$”
2.Saleeban Faarax Cabdiqamaan oo soo direy isna”500$”
3.Maxamed Caydiid Ibraahin oo jooga FARJIINIYA oo soo direy isna ”1000$”
4.Xiis Warsame Maxamed oo joogta Minneaplos oo soo dirtey yana”400 $”

Dhamaanba jaaliyadahan kala duwan ee ku kala nool daafaha dunida ayaa ah kuwo soo saaka soo gaadhsiiyey deeqahani Xarunta Agoomaha Ee Dhismaheedu ka socdo gudaha magaalada Buuhoodle, Isla markaana ku soo simey gudoomiyaha dhismaha xaruntaasi oo ah Cabdinuur X.Maxamuud Awmuuse.

Sikastaba ha ahaatee gudidan ka kooban 10 sheekh ee gacanta ku haya dhismaha xaruntan Agoomaha, Ayaa ka dalbanaya Jaaliyadaha Iyo Umada Islaamka ah ba inay ka qeyb qaataan dhismahan oo aanay marnaba ka daalin”Sadaqo Lala Baxo Tan Ugu Haboona Ay Tahay Tan Agoomaha Yar Yar Ee Aan Waxba Haysan Wax Loogu Qabanayo”

Hadaba Hooos Ka Daawo Sawirada Dhismaha Arunta Agoomaha Oo Saaka Dib U Bilaabmey Kadib Markii Ay Soo Gaadheen Deeqahani, Yadoo Mudo Loo Joojiyey Dhismahani Deeyn Lagu Lahaa Dhismaha Oo Kharashkii Ka Go’ay Awgeed.

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
kalshaale7@gmail.com
0014406283800 Free Call Ka Shabakada
Buuhoodle G/Cayn.

Short URL: http://allssc.com/?p=42523

Posted by on Oct 3 2012. Filed under Jaaliyadda ssc, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery