Darawalada Isticmaala Wadooyinka Isku Xira Gobollada Hiiraan Iyo Banaadir Oo Ka Cabanay Burburka Wadooyinka
Gaadiidleyda isticmaasha wadooyinka isku xira gobolada Hiiraan iyo Banaadir ayaa cabasho xoogan ka muujiyay dhibaatooyin ay ku qabaan wadooyinka iska xira goboladaasi.
Darawalada isticmaala wadooyinka isku xira gobolada Hiiraan iyo Banaadir ayaa ka cabanaya burburka xoogan ee ka muuqda wadooyinkaasi iyo dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku hayaan maleeshiyada kooxda shabaab.
Mid ka mid ah darawadala isticmaala wadooyinkaasi oo la hadlay warbaahinta u sheegay in burburka xoogan ee ka muuqda wadooyinkaasi ay yihiin kuwo saameyn ku keenay gawaarida iyo dadka kuwaas oo sababa in ay rogmadaan.
Sidoo kale Waxa uu intaa ku daray in maleeshiyada kooxda shabaab ay ku qabaan dhibaatooyin kuwaas oo gaadiidka ka qaado lacago baad ah.
Tan iyo markii ay burburtay xukuumadii dhexe ee dalka sanadka markii uu ahaa 1991 ayaa waxaa burbur xoogan soo gaaray wadooyinka iyadoo aysan jiran dayactir muuqda oo lagu sameeyay wadooyinkaasi.
Short URL: http://allssc.com/?p=43847












