Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Dagaalo iyo duqeymo ka dhacay deegaano ka tirsan Jubada Hoose

Allssc(Allssc)Dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, kuwa Kenya ee AMISOM ka tirsan iyo Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Kulbiyow iyo Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalkan ayaa ka dambeeyay markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay jidka u galeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamada is garabsanaya, halkaasoo dagaal muddo qaatay ku dhex maray.

Ciidamada is garabsanaya ayaa ku hakaday halka lagu galay, iyadoo weerarka kadib ay madaafiic isku weydaarsadeen aaga ay ku dagaalameen.

Saraakiil ka tirsan Shabaab oo soo xiganeysay warbaahinada Internet-ka ayaa sheegay in weeraradaas ay qasaare xoog leh ku gaarsiiyeen, ayna ka dileen askar fara badan.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan dowladda ayaa dhankooda xaqiijiyay weerarkaas, inkastoo ay beeniyeen in wax qasaare ka soo gaaray, isla markaana ay Shabaabka qasaare u geysteen.

Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba-gal ah ku wada Ciidamada huwanta ee ku safraya deegaanada Jubooyinka, waxaana inta badan dagaalada dhacaan marka Ciidamada ay isu kala gooshayaan deegaanada ay ku sugan yihiin.

Shabakada Wararka Allssc.com/Online

Short URL: http://allssc.com/?p=43881

Posted by on Oct 23 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery