C/wali Gaas Oo Lagu Amray Inuu Ka Baxo Deegaanka Uu Ka Arimiyo Maamulka Faroole Iyo C.raxman Faroole Oo C/wali Gaas Ku Eedeeyay Inay Is Hortagen Mashariic Horumarineed Wakhtigii Kumeel Gaadhka (Daawo Maqal Muuqaal).
Garoowe(Allssc): Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in lagu amray C/wali Gaas Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya inuu si deg deg ah kaga baxo Deeganada uu ka taliyo Maamulka C/raxman Faroole.
Dr Gaas ayaa kulamo kula lahaa magaaladda Boosaso odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Gobolka Bari, hase ahatee waxaa lasoo gaarsiiyay warqad lagu farayo in si deg deg ah uu kaga baxo Boosaaso.
Waxaa la sheegay in warqadaas uu soo gudbiyay gudoomiyaha Gobalka Bari C/samad Maxamed Galan.Sidoo kale waxaa loo sheegay C/wali Gaas oo kamid ah xildhibaanada Soomaaliya inuu joojiyo kulamada uu la qaadanayo waxgaradka dega Boosaaso.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbaysa in sidaan loola dhaqmo C/wali Gaas hase ahate waxaa uu falkan kusoo aadayaa xili ay jireen warar sheegaya in uu kamid yahay musharaxiinta ugaatan xilka Maamulkii hore ee Puntland.
Dhinaca kale waxaa C/wali Gaas Magaalada Garoowe lagaga reebay ilaalo u badan beeshiisa oo iyagu sugayay amaanka Ra’isal wasaarihii hore ee somalia. C/wali Gaas ayaa magaalada Garoowe lagaga daray ilaalo iyagu ka amar qaata Maamulka Faroole kuwaas oo markii danbe C/wali Gaas ku sameeyay xabsi guri kadib markii ay u sheegeen in uusan gurigiisa kula kulmi karin cid aysan ka war qabin C/raxman Faroole.
Halkan Hoose Ka Daawo
Halkan Ka Daawo
Sidoo kale C/raaxman Faroole ayaa eedayn dusha uga tuuray Madaxdii dhowaan xilka wareejisay kuwaas oo C/raxman Faroole ku eedeeyay inay is hor taageen Mashaariic loo waday meelo uusan carabaabin balse lagu sheegay in ay ahayd Magaalada Garoowe iyo Sunijiif. eedaynta dag daga ah ee C/raxman Faroole ayaa ka turjumaysa walaaca weyn ee uu ka qabo C/wali Gaas iyo Booqashadiisa wakhtigan. C/raxman Faroole ayaa eedan masuuliyiinta soo nooleeyay si uu weerarka uga horeeyo C/wali Gaas.
Wixii kasoo kordha Xaaladan kala soco Warbaahinta Madaxa banaan ee Allssc
Cismaan Qandalla Allssc Garoowe Somalia
Allssc3@gmail.com
Allssc@hotmail.com
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=44427












