C/raxman Faroole Oo U Diyaar Garoobay Dagaal Kiisii U Daraa Iyo Socdaalo Uu Ku Raadsanayo Ciidamo Jifidiisa ah Oo Uu Hada Ku Gudajiro (Warbixin Hoose).
Garoowe(Allssc):Horjoogaha Maamulka Garoowe C/raxmaan Faroole ayaa ku adkaysanaya in uu xilka ku darsado hal sano oo sharci darro ah isaga oo ka shidaal qaadanaya tallaabo ay horay u qaadeen Ragii Isaga ka horeeyay sida CabdulahiYuusuf , waxaana Faroole iyada oo Doorashada ay ka harsan tahay 2 bilood iyo Maalmo qura, uu Ciidamo gaaraya in ka badan 1,500 oo askari oo aad u hubaysan ku arruuriyay Xerada 54-raad ee Duleedka Garoowe, sidoo kalena waxaa uu kulamo hiil raadis ah la yeeshay beelo kasoo jeeda reerkiisa Ciise Maxamuud.
C/raxmaan Faroole lagu xusuustaa in uu sidaan oo kale Tikniko soo Diyaarsaday Sanadkii 2009 oo uu ugu talo galay in uu ku dagaallamo haddii Xilka Madaxweyne loo Dooran waayo taasi oo cabsi iyo khalkhal badan ka abuurtay magaalada Garoowe oo Doorashadu ka dhacaysay.
Siyaasiin uu ugu cad cad yahay C/laahi Siciid Samatar oo isaguna Nin Dagaalyahan ah ayaad uga soo horjeeda Damaca xil dheeraysiga ah ee Faroole ku haminayo, waxaana C/laahi Siciid Samatar iyo Musharax Gablax ay labaduna ka midaysan yihiin in Faroole uusan hal maalin ku darsan karin Hogaanka Maamulka Garoowe.
Soomaalidu waxay tiraahdaa Xeer gooye Xeer Madiido Madaxweyne Faroole bilowgii sanadkii 2009 waxaa uu Idaacaddiisa Radio Garoowe ka sheegay in Madaxweyne Cadde Muuse uusan hal maalin ku darsan karin haddii uu ku darsadana wixii ka dhaca uusan isagu masuul ka ahayn.
Dadka indha indheeya Siyaasada ayaa sheegaya in Maamulka Garoowe ay naftu kaga hadhay madaxa oo kaliya midaas oo ay ku macneeyeen in maamulka uu marayo maalmihiisii u danbeeyay uuna joogo goobtii iyo goortii uu ku burburi lahaa, madama uu C/raxman Faroole uusan ogolaandoonin inuu Magaalada Garoowe uu ka taliyo nin kale oo aan Ciise Maxamuud ahayn.
Cismaan Qandala Allssc Garoowe Somalia
Allssc3@gmail.com
Allssc@hotmail.com
Allssc@allsscocm
Short URL: http://allssc.com/?p=43694












