Ciidamada Dowladda oo goor dhaweyd qarax lagula eegtay Kismaayo
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamad Dowladda Soomaaliya Magaaladaasi lagula eegtay qarax xoogan.
Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso taasi oo lala eegtay kolonyo ciidamo ka tirsan Dowladda Somaaliya oo lugeynaya.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay xaafada Faanoole oo ka tirsan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose.
Ilaa hada si rasmi ah looma oga qaraxa iyo sidoo kale khasaaraha kasoo gaaray ciidamada Dowladda Soomaaliya ee qaraxa xoogan maanta lagula eegtay Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubadda hoose.
Short URL: http://allssc.com/?p=42499












