Been Abuurka Majeerten Ee Magaca Harti Iyo Bulshada Reer Khaatumo Ee Aan Kubararugin Jubooyinka Ama Juboland.
Asc dhamaan Bulshada Reer Khaatumo State,salaan kabacdi beryahan waxa jira sidi cadada u aheyd Majeerten iney magaca Harti ku been aburtan ama ku awrkacsadan hadba siyasada meshi ay dan uga leyihin. Waxa mihiim ah in Madaxda iyo Siyaasiyinta ama Bulshada Reer Khaatumo ku bararugaan siyasadan so cusbonatey ee juboyinka ,Waayo gobalada juboyinka waxbeynu ka degna wana dhulkeni ineynu ku bararugno maha goor xeeriyo fandhaal kala dhacan sidi ti inagu dhacdey Gobaladena SSC ee khaatumo state. Waxaan aad iyo aad u dhalilaya iney bulshada Reer Khaatumo xaga Media-ha gaabis ka yihin rag iyo dumar siyaasi iyo shacab ahanba waayo waxey Somalidu dhahda Ninkan hadlon Hoyadi waxba siiso.
Hadaba Reer Khaatumo ma waxey donayan iyago amusan iney waxkasta helan ama xaqooda la duudsiyo ka maqnadan wixi degankoda ka dhacaya ama maskabkoda siyasadeed ama cadka ay ku dhex leyihin Hashi Mandeeq? Taasi suro gal maha cidanba hadleyn in wax la siyo ama wax lo ogolado waxadna noqoneysa inaad markasta cidi kaga masuul noqoto waxaad adigu xaq uledahey waayo de maba aad ka hadleysid waxad xaqa uledahey.
Hadaba waxa mihim Dagalku maha uun ka qoriga ee dagaal lagalo waxa ugu xun ka Qalinka ama Media ha,marka Bulshada khaatumo waxa la gudboon iney Media ha Maqalo Baaq iyo Dignino uso bandhigan hadba meshi siyasadu ka cusbonato ee na quseysa khaasatan ama mida guud ee Somaliyeedba.
Mida kale waxa lo bahan yahey Koox Siyasiyin ah o Bulshada Media ha hoga tusaleysa o ku hagta aragtida siyasadeed ee Bulshada Khaatumo danteda ah ama u carbisa ee u Bisleysa una bararujisa Siyasada iyo Media rag iyo dumarba,Dhanka kale waxan Codsi gaar a uso jedinaya Shabakadaha Reer Khaatumo iney Bulshada Reer Khaatumo ku bararujiyan iney Media-ha Ka muqdan ama janis siyaan ay fikirkoda kuso gudbiyan o Bogdhan o fikirka Muwadininta reer khaatumo leyihin.
Gunti iyo gaba gabadi waxaa lagu jira xili siyasadu ka so cusbonatey Juboland o degankeniya ee maha qudha Khaatumo state deganka qudha aynu lenahey ee iyadana Bulshooy halo diyaar garobo Nin aan muqan cidina ma xasuusato ama Nin aan hadlonin cidina uma hadasho ama xaqisa ma helo .
Wabilaahi Towqiif
Qore:Maryan Heybe Yusuf.
Short URL: http://allssc.com/?p=42773












