Baarlamaanka Soomaaliya oo saaka ka doodaya Miisaaniyada dowladda ee saddex bilood
Mugdisho(Allssc)Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka fadhi gaar ah ka leh Miisaaniyada dowladda, kaasoo ahsaddex bilood ee dhamaadka bishan ay ku howl geli doonto dowladda cusub ee Soomaaliya.
Nuqul ka mid ah miisaaniyada dowladda ee saddexda bilood ee sanadkan dhamaanaya soo diyaarisay Wasaarada Maaliyada, iyadoo Xildhibaanada ay ka doodi doono si ay cod ugu qaadaan.
Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac ayaa sheegay in kulankan yahay mid Xildhibaanada ay kaga doodi doonaan miisaaniyada saddexda bilood, isla markaana tan sanadka soo socda loo keeni doono.
Miisaaniyadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee la horkeeno Baarlamaanka cusub, iyadoo aan la ogeyn lacagaha dowladda ku bixi doono saddex bilood, gaar ahaan Xafiiska Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasaaradaha Xukuumada.
Fadhiga Baarlamaanka oo ah maalinkii labaad oo isku xiga ayaa imaanaya kadib markii shalay ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon Saacid.
Allssc News Desk/Online
hiirad@allssc.com
allssc@allssc.com
Mugdisho,Somalia
Short URL: http://allssc.com/?p=43507












