Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Baaq Ka Soo Baxay Beesha ”Absuge Qombor”,Iyo Go’aamo Beeshu Gaadhey.(Sawiro+Warbixin)

Beesha Absuge oo ka mid ah Jufooyinka Beelweynta Waceysle ayaa kulamo ay beryahan ku laheyd magaalada Muqdisho ka soo saartay baaqy iyo go’aano, iyadoo beeshu si cad ah u sheegtay in aysan jirin cid siyaasad iyo dhaqan ku matasha.

Baaqa ka soo baxay Beesha ayaa lagu sheegay in ilaa laga soo magacaabo cidii matali laheyd, in aanay cidna kula macaamili karin magaca beesha.

Hadaba baaqan ka soo baxay Beesha oo nuqul ka mid ah na soo gaaray ayaa sidan u qornaa:-

Ku: Madaxda ugu sareyso dalka soomaaliya
Ku: Beelweyta Mudulood:
Ku: Beelweynta Waceysle:

UJEEDDO: Baaq ka soo baxay beesha Absuge Taariikhda 17/10/2012

Waxaan dhamaan qeybaha aan kor ku soo xusnay ku war galineynaa in Laga bilaabo manta oo ay taariikhdu tahay 17/10/2012 In aysan jirin cid beesha Absuge Qombor ku matasha siyaasada iyo dhaqanka,

Ilaa ay u soo magacowdaan ciddii ku matali laheed siyaasada iyo dhaqanka, sidaa darteed qeybaha aan kor ku soo xusnay waxaan la socodsiinaynaa in ayna qofna kula macaamili Karin magaca beesha absuge qombor, ama ku siin Karin wax mansab siyaasadeed iyo kursi, haddaba Ciddii ku talaabsata arimahaas wexey noqaneysaa cid sii hurineysa khilaafka beesha absuge, dooneysana in ay kula macaamisho magaca beel weynta absuge qombor shakhsi ama shakhsiyaad si’gaar ah ayagu u danaynayaan, taasoo noqoneysa faragelin qaawan keenina karta kalafogeyn walaal.

Sidaa aawgeed waa in loo dhega nuglaado baaqan ka soo baxay beesha Absuge lana tixgeliyo walaal nimada iyo cadaalada lana ogolaado in beel walba xaq u leedahay in ay aayaheeda katashato si cadaalada loo adkeeyo.

FG: Baaqan waxaa ku saxiixan kow iyo labaatanka xubnood (21) ee guddiga samata bixintan beesha Absuge oo kala ah

1- Eng : Maxamuud Maxamed Calasow (Sagaar)
2- Saciida yacquub Cali Wehliye
3- Maxamed Isxaaq Yuusuf Cali
4- Cumar Xusen Maxamud (Iskoris)
5- Cumar Caraaye Cali Coofle
6- Dr: Xusen Geesey Muxudiin
7- Dahir Sh, Cali Guuleed (Shaqaafe)
8- Maxamuud Xasan Maxamuud (Xooshoow)
9- Maxamed Saciid Abuubakar Dhiblaawe
10- Dr: Mursal Xaaji Cabdi Raxmaan
11- Dr: Cabdi Nuur Sh, Axmed Caraay
12- Muxumed Xasan Maxamed Calasow
13- Fartuun Nuur Maxamuud warsame
14- Cabdi C/laahi Dhicisow (Qoslaaye)
15- Qadiijo Axmed Foodle
16- Iimaan Maxamud Fiidow (Feyley)
17- Maxamuud Cumar Casir (Kabotoy)
18- Nuur Malin Hiraabe
19- C/laahi Maxammud Maalin (Faramiliq)
20- C/rizaaq Maxmuud Waasuge
21- Macalin Axmed C/laahi Shardi

Mahadsanidiin.

Hadaba Hoos Ka Daawo Sawiro Aan Idiinka hayno Go’aamadii iyo Baaqii Kasoo Baxay Beeshan Yaga Oo Kulankan Ku Qabsadey Caasimada Dalka Somalia, Mugdisho.

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
kalshaale7@gmail.com
0014406283800

Short URL: http://allssc.com/?p=43498

Posted by on Oct 18 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery