Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Baaq Ay dirayaan Dhamaanba Ardayda Dugsiyada Sare Ee Waxkabarata Magaalada Buuhoodle Ee Xarunta G/Cayn Baaqaas Oo Ay U Dirayaan Maamulka Khaatumo State. (Sawro)

Buuhoodle(Allssc)waxa saaka dugsiga sare ee samatar baxnaan ee magaalada buuhoodle isugu soo baxay ardayda waxkabarata dugsiyada sare ee magaalada buuhoodle macalimiin kuwaasuu baaq cabasho ah udirayey maamuka khaatumo hadaba qaarkamida ardaydaas oo madshaas kahadylay waxa ay hadlkodii kubilaabeen sidan

sida aad wada ogsoontihiin waxaa jiray arday toban ardaya oo degaanka khaatumo laga qaaday oo dalka turkigu schoolership siiyey tobankaas arday waxa ay ahaayeen  tobankii ugusareeyey imtixaankii lagaqaaday ardayda khaatumo hadaba tobankaas arday ayaa gobalka cayn waxa uu kahelay amaba lasiiyey hal arday

ardaygaas  oo magaciisa layiraahdo “c/raxmaan aadan jaamac”hadaba anagu hadaanu nahay ardayda khaatumo ee G/cayn markii hore ayaanu qawadsaneyn hal araday xaqna waxaanu ulahayn ugu yaraan sedex arday lakiin taasi waydhacday hada waxaa meesha taala halkii arday ee kasoconayey G/cayn ayaa waxa aanu maqalnay in lagareebay booski uu lahaa cidkalana lagaliyey booskiisii ardaygaas oo hada kusugan magaalada muqdisho ee caasimada somaliya oo aanu laxiriirnay ayaa waxa uu noosheegay  sagaalki arday ee kale ay heleen booskoodii isna hadal cad loogu yiri adeer waad kahadhay waxaana laxaqiijiyey in booskiisii lagaliyey arday kale oo aan wali magciisa laxaqiijin ayna wataan dadka hawshaas kushaqaleh

hadaba dhamaan hadaanu nahay ardayda waxkabarata magaalada buuhoodle  waxaanu   baaq cabasho ah udiraynaa  madaxda maamulka khaatumo iyo waliba dawlada soomaaliya inay arintaas sidag daga ah ay wax uga qabtaan, maamulka Khaatumana waxaanu leenahy anagu ardaydiinii baan nahay mar walbana mamulkayaga waa garab taaganahay lakiin mayelayno kii kaliya ee aanu helnay, Yadoo markii horeba ay taasi nagu ahayd Xaqdaro, hadana  laga qaado booskii,   hadaba waxaanu maamulkha Khaatumo State, ka codsanaynaa in uu sida ugu dhakhsaha badan nagu soo gaadhsiiyo fariin aanu ku faraxno.

Waxaanu aad uga xunahay in dadaalkayagii iyo kalsoonidayadii aanu mar walba la garab taagneyn sida tan naloogu badalo, Kama aanaan fileyn madaxda Wasaarada Arimaha Bulshada ee maamulka Khaatumo State iyo Wasiirkii hore ee dowladii Shiriifka”Mr. Cabdikariin” in ay sidaa noogu badalayaan baal marintayadii, Waxaanu jecel nahay in arinkan wax iska bedelaan Hadaanu nahay dhamaanba Ardeyda Dusiyada Sare ee magaalada Buuhoodle ee G/Cayn.

Gabagabadii Ardeyda Dusgiyada Sare ee magaalada Buuhoodle ee G/Cayn Wax ka barata ayaa ahayd kuwo aad looga dareemayay Shucuurtooda mid aad murugeysan, Kadib markii ay soo gaadhey Ardey Yaga matalayey isla markaasna Si Xaq ah ugu soo baxay Imtixaankii Schoolership ka lagu galayey Waliba Kaalin Sare, Yadoo ay Ardeydan Wax ka barata ay soo gaadhey in Booskii laga qaadey, Isla markaana lagu badelay mid kale oo ay wataan Madaxda Arimaha Waxbarasho u qaabilsan Maamulka Khaatumo State.

Sikastaba ha ahaatee Dhamaanba Ardeyda wax ka barata dugsiyada Sare Sare ee uu ka mid yahay ”Dugsiga Sare Ee Samater Baxnaan” ayaa maanta Baaq murugeysan ay Ardeydu u dirayeen Maamulka Khaatumo State, Iyo Madax dhaqameedada ku sugan magaalada Muqdisho, Yadoo ay ahaayeen Macalimiinta Dusgiyada Sare ee magaalada Buuhoodle iyo Ardeyduba kuwo aad uga xun in Ardeygii kaliya ee yaga matalayey Booska laga qaado.

Hadaba Hooska Daawo Sawiro Aadnu Ka Qaadney Mar Ay Saaka Bahda Saxaafadu Ku Booqatey Goobaha Waxbarasho Ee Dusgiyada Magaalada Buuhoodle.

 

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014406283800
Buuhoodle G/Cayn

Short URL: http://allssc.com/?p=42941

Posted by on Oct 10 2012. Filed under Wararka, Wikileaks. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Recently Commented

Photo Gallery