Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Arday Reer Khaatumo Ah Oo Helay Deeq Waxbarasho Oo Loosii Sameeyay Xafladn Sagootin ah (Daawo Sawiro).

Muqdisho(Allssc): Ku dhawaad 15 arday oo ka soo jeeda deeganada Khaatumo State ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyey Visayaashii ay ku geli lahaayeen dalka Turkiga    Tigadhadoodii,  Ardaydan ayaa waxaa kulan dardaaran iyo wacyigelin ah u qabtay Dr. Abdulareem Hassan Jaamac oo ahaa mas’uulkii u soo helay deeqdan, isla markaana uga soo dhameeyey dawladda aynu walahaha nahay ee Turkiga.

Hadal kooban oo uu ujeediyey Dr. Abdulkareem ardayda ayuu kula dardaarmay inay ka faa’ideystaan fursadan qaaliga ah oo uu sheegay in inbadan oo dhigooda ah kana soojeeda deeganadeena aysan helin” Maanta waxaad tusaale u tihiin guud ahaan bulshada Khaatumo, waxaadna noqonaysaan ardaydii u horaysay ee magaca Khatumo wax ku hela, waxaa la doonayaa inaad muujisaan dedaal dheerad ah oo aad uga faa’ideysataan Fursadan qaaliga ah”, ayuu yidhi Dr. Jaamac, mar uu ka hadlayey sida qaabka dalka ay tagayaan iyo sida loola dhaqmi doono ayuu faah faahin ka bixiyey wuxuuna yidhi” Waxaa garoonka dayuuradaha idin taagan dad ka socda dawladda iyo jaamacadaha aad wax ka baran doontaan, waxaad helaysaan Caafimaadkii, Cuntadii iyo jiifkii oo joogto ah”, waxaa la idinka doonayaa inaad ka faa’ideysataan fursadaas oo dad nasiibleh helaan”, deegaanadiina iyo dalkeena Soomaaliya oo dhan ayaa idin sugaya.

Dr. Abdulkareem Xassan Jaamac wuxuu sidoo kale uga digay dhalintaas inay ku fekeraan tahriib iyo arimo kale oo aan dani ugu jirin, wuxuuna sheegay in aysan macno weyn lahayn, wuxuu sheegay inay waxbrshadu ka muhiimsan tahay in waxyaalahaas lagu fekero wuxuuna sheegay in qofka marka uu waxbarto dunida cidkasta ay u baahan tahay.

 

Ugu danbeyntii wuxuu kula dardaarmay inay ilaaliyaan cibaadada Allaah S.W.T oo ay ugu horayso salaada, wuxuu aad ugu dheeraaday qofka Allaah ku xigan ee markasta Allaah ka cabsada inuu EEBE albaabadiisa u furo, isla markaana uu helo liibaanta labada Daarrood. Salaada ayu kula dardaarmay inaysan ka tegin, wuxuu sheegay inay dadka ay u tegayaan tusaan dhaqanka wanaagsan ee Soomaalinimada iyo Muslimnimada oo uu sheegay inay yihiin dad walalhood oo muslimiin ah.

Sidoo kale dhalinyaradii ayaa dhankooda hadalka qaatay, ayagoo sheegay ugu horeyn inay uga mahadcelinayaan Dr. Abdulkareem dedaalkiisa gaar ahaaneed ee uu xilka goonida ah isaga saaray sidii uu u kobcin lahaa aqoonta ardayda reer Khaatumo oo weligood aan helin deeq waxbraasho.

Ahmed Maxamed Maxamuud oo u hadlayey ardayda wuxuu sheegay inaysan ahayn kuwo ilaawaya abaalka iyo juhdiga lagu bixiyey wuxuu balan qaaday inay ka soo bixi doonaan mas’uuliyadooda waxbarasho. Wuxuu sheegay inaysan ilaawi doonin dedaalka uu Dr.Abdulkareem ku bixiyey sidii uu ardaydan gaadhaysa 15ka maanta ugu helay deeq toos ah oo aan la gacantu gaaleyn.

Ugu danbeyntii Dr. Abdulkareem Hassan Jaamac sheegay in 4 sano ka dib la iswaydiin doono ardaydii Khaatumo ee Turki meeshay wax dhigeen iyo heerka aqooneed ee ay gaadheen taasoo uu sheegay in jawaabteeda ayaga laga sugayo.

Ardaydan oo 9 ka mid ah ay ahaayeen kuwii u sareeyey sanad dugsiyeedka deeganada Khaatumo ayaa 6da kalena ahaayeen arday reer Khaatumo ah oo ku sugnayd Muqdisho kuwaasoo inbadan waxba ka waayey wasaarada waxbarashada iyo dawladdabu inay siiso deeq, maalinimada beri ah ayey qayb ka mid ah ardaydu u duulaysa Istanbul halka raaca kalena ay dhoofi doonaan maalinimada isniinta ah hadii Eebe idmo.

Suleiman Haashi Dheere.

Xaashidheere1@yahoo.com

Muqdisho.

Horufadhi.com

dardaaran ah oo loo sii qabtay,{Sawiro}.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Allssc News Desk Muqdisho

Allssc3@gmail.com

Allssc@hotmail.com

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=43715

Posted by on Oct 20 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Arday Reer Khaatumo Ah Oo Helay Deeq Waxbarasho Oo Loosii Sameeyay Xafladn Sagootin ah (Daawo Sawiro).”

  1. A/C.
    mahadsanid dr abdikariim,ajar iyo xasanaadna eebe ha,kaasiiyo.
    waxay guul utahay,bulshadda reer khaatumo iyo dhamaan,ummadda
    soomaaliyeed oo dhan.
    wax qabad waxaa saa layidhaa.
    thanks again again dr abdi kariim

  2. Walee C/kariim Xasan Taariikhda ayaa xusi doonta sida uu ugu heelan yahay Dalkiisa iyo Dadkiisaba Ardaydana waxaan leeyahay war Deegaanka ito Dowlada KHAATUMO baad hormuud ka tihiine si wacan wax u soo barta hadhowna Dhuklkiina ku soo laabata si aad dadkiina dhibaatada uga saarataan Mujaahid CABDIKARIIMNA waxaan leeyahay ALLE ha ku xafido sidaad umaddaada ugu adeegaysid kuwa kale ee deegaanka khaatumo ka soo jeedana ALLE ha garan siiyo.

Qormadaada

Photo Gallery