AMISOM oo war saxaafadeed ka soo saaray howl gal ka dhacay duleedka Kismaayo
Kismayo(allssc)Taliska Warfaafinta AMISOM ayaa war saxaafadeed ka soo saaray howl gal 24-kii bishan ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Kismaayo iyo deegaanka Buulo Xaaji, halkaasoo ay sheegeen inay ku dileen Ragg ka tirsan Shabaab.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howl galka ay ku dileen shan ka tirsan Al-Shabaab, markii ay weerareen goob ay ku sugnaayeen.
Sidoo kale waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in howl galka uu ku soo gaba-gaboobay sidii loogu tala galay.
Waxaa kaloo war saxaafadeedka lagu sheegay in howl galka uu uga geeriyooday Hal askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM, kaasoo u dhashay dalka Kenya.
Ugu dambeyn AMISOM ayaa sheegtay inay sii wadeyso howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa laga saarayo deegaanada ay ku sugan yihiin.
Short URL: http://allssc.com/?p=44157












