Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Agaasimaha W/Arimaha Gudaha Maamulka Khaatumo State, ”Maxamuud Sheekh Cumar” Ayaa Tacsi Diiranyeysan U Diraya, Dhamanba Eheladii Iyo Qoyskii Uuka Geeriyoodey Wariye”Axmed Faarax Ilyaas”Axmedsaakin”.(Dhageyso Haboon”

Buuhoodle(Allssc)-Agaasimaha W/Arimaha Gudaha, Ee maamulka Khaatumo State Of Somalia”Maxamuud Sheekh Cumar” ayaa caawa mar ay uu saxaafada ka hordeeda ka hadlayey Tacsi murugo iyo tiiranyo ba leh u direy dhamaanba qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey wariye”Axmed Faarax Ilyaas”Axmedsaakin”.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa arinkani ku tilmaamey inay tahay fal wuxuushnimo ah oo aan hore looga baran deegaanadani, Yadoo agaasimuhu uu sheegay falkan toogashada ah ee gacanta ka xaqdaran wariyaha u geeysatey ay tahay mid saameyn balaadhan shacabka iyo dhamaanba bahda saxaafada maamulka Khaatumo State.

Hadaba dilka toogashada ah ee loo geystay wariyahan ayaa qeyb ka ah dil iyo tacadibyo loogeysto dhamaanba saxafiyiinta Somaliyeed, Yadoo marka loo eego deeganada Sool,Sanaag Iyo Cayn ay tahay arinkani mid ku cusub.

Sikastaba ha ahaatee dilkan ay gacanta ka xaqdaran u geeysatey Wariye”Axmed Faraax Ilyas”Axmed Saakin” ayaa qeyb ka dhibaatooyinka maleeshiyaadka SNM iyo Amni darada ay ku hayso shacab weynaha gobolka Sool gaar ahaan caasimada gobolkaasi ee Laascanood.

Yadoo ilaa iyo hadana aan wax wari kasoo bixin cidii dilka foosha xun u geeysatey Marxuunkani, Balse xogag hoose oo aan ka helayno shacabka ku dhaqan magaaladaasi ay sheegayaan in gacantii ka xaq darneyd wariyahan ee dilkan foosha xun u geeysatay looga shakisan yahay shiqsiyaad loo yaqaano Horgalayaal amaba la gacan ku rimis ah lana shaqeeya maamulka SNM.

Hadaba Hoos Ka Dhageyso Codka Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Maamulka Khaatumo State”Maxamuud Sheekh Cumar”.

Halkan Ka Dhagayso

Allssc News Desk/Online
Rashiid Kayse Cawil
hiirad@allssc.com
0014406283800
Buuhoodle G/Cayn

Short URL: http://allssc.com/?p=44019

Posted by on Oct 24 2012. Filed under Wararka, Waraysi. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery