Abwaan Suusle oo sooray Gabay Cajiiba oo lamagbaxay “Digshineri” oo ka hadlaysa arrimaha ka jira gobollada khaatumo State, Kuna Halqabsaday “Axmed Darwiish”
Digshineeri waa tix gabay ah oo ka hadlaysa arrimaha ka jira
gobollada khaatumo sate of somalia kuwii u dambeeyey.
waxaan ku hal qabsaday axmed cabdiqaadir jabaan[axmed darwiish]
akhris wacan
1 axmedoow dabuub gabay markii la iga doonaayo
2 dadka wawgu roonahay inay duxiga maalaane
3 teeriyo dagaalkii hayaa duubka lay xidhaye
4 waataan dawaariga ahaa sida darwiishkiiye
5 intii aan dedaalkiisa galay daa ismaan odhane
6 doodiyo araar dacalla dheer waa duddubiyaaye
-
7 deelqaafle badanbaa jiroo soo dunuunuca,e
8 digshineeribaan kuu ahiyo anigu diiwaane
9 dembi aakhiraan uga baqiyo dar alla mooyaane
10 dibnahaygu waa jecel yihiin duni ka faalloode
11 abwaan dararay doobiga u culo waa daf maansaduye
-
12 dab intaan ka badhiyo intaan dalandalee booday
13 ee duunya raacaha noqdee lay dirdiranaayay
14 daaaalika qur,aaniyo intaan diinka baranaayey
15 daan waynta geeliyo intaan deleb xergaynaayey
16 intaan doob ahaa iyo intaan dabiyo reer yeeshay
-
17 debed aan u dhoofiyo intaan daliyo ciid joogay
18 duruuftiyo dhibkaan soo maree doorba dhanu liicay
19 danu xoogsi badan baan galiyo duubiga adkeeye
20 dawersiga shisheeyuhu ragbuu daawadood yahaye
21 damiirkaygu iima oggolaan damaca qaarkiiye
-
22 dallacaad garbaa lagu taxiyo derejo lay saaro
23 daandaansi kuma doonaniyo deris ku eedoowe
24 mana odhan walaalkay diloo dahab ku miisaane
25 inkastaan dulqaad badanahoo duubcaddi illaaway
26 dekenooyin baan laga samrayn daallinka hayoowe
-
27 xaq la duudsiyaa maalinbuu dibu iftiimaaye
28 anna kaygu waa dihinyahoo waa la dedayaaye
29 dulmi uma gargaareen nin lihi duxiyo iimaane
30 ruuxii qalbigu daammur yahay diin isma arkaane
31 dalanbaabbigaa naga tegaye deli dhacaynaaya
-
32 iyo kii la daawaystayoow waa inoo dirire
33 dabbaal joogto iyo xeeshu waa ii duruus wacane
34 doqoniyo nin liitaan ogayn dawga loo qodaye
35 anoo kale digniin waa qabaa dagina maysaane
36 dadliq ceela waa lagu dayaa daakhilka ul dheere
-
37 jeeroo dannigu baal u dhaco looma daaddego,e
38 dabin dhuud sagaaraa taqaan dayrka loo dhigaye
39 ruuxaan dareen cadaw lahayn waa dacaysane,e
40 nimankaa dameeraha noqdiyo dibigu yeelkoode
41 anigiyo ninkii diirayaa ways debberaynaaye
-
42 maantana sangihi daalay waa daajisanayaaye
43 nimankii dullaalada yaqiin waa diyaar weliye
44 iyaguba waxay diidayaan waw degdegayaane
45 danankiyo madiixaw ballana aniyo doolaale
46 afartaa sidii dirir gu,oo da,aya maw hooray?
-
47 ragbuu kala dillaamaa halkay danu lahaayeene
48 duwimaayo oo kaygu waa diiradiyo shiishe
49 dayrkiyo xuduuddaan u dhigay dacalka maw saaray?
50 balaan hadalku yuu ila durkine dulucda miisaamo
51 awrkii dawaaddiyo lahaa doobidiyo guuxa
-
52 ee geela maan taan ku daray wada duldiireeyey
53 ee aan xagaaguu da,furay daran ku seeteeyey
54 ee aan dugaag meelle iyo dulin ka dhawraayaey
55 ee aan halkuu daaqayaba daacad ula joogay
56 ee aan habeenkuu dibjiro dumarka laynaayey
-
57 wax la yidhi dorraad buu u lumay dooxadii gubane
58 markaasaa dillaalladi burciyo daydaygii helaye
59 dabarkiyo huggaankay sudheen daamay lagu geeye
61 wax la yidhi damaashaadku waa daya miroodkiiye
61 wax la yidhi dumbuluq baa habruhu dayn ku qalayaane
-
62 wax la yidhi dabkaa loo shitiyo dogobyo waawayne
63 wax la yidhi dusuud loo xashiyo daab cad la afeeye
64 wax la yidhi dabaaxiyo wankii daalac naasila,e
65 wax la yidhi dawaa laga helaa duqiyo waayeele
66 debeddiyo waxaa looga yimi dawladaa yurube
67 dooxaba in laga dhoofayiyo dabay la ii sheegye
68 dariibtiyo mudkiisoo qudhaa laysku dilayaaye
69 durba waa galaydhyaynayaan doxorayaashiiye
70 nimankii dannaanniga badnaa waa duryamayaane
71 hadday maanta daayaanna waa looga darayaaye
-
72 daltabyada ku haysaa galbeed waa darxumo wayne
73 deegaanti hawdiyo nugaal waw darsanayaaye
74 dirka geela waa kala aqiin daawadiyo laane
75 dabbuudh naaxay bay igu hodeen duumo lagu xaaqye
76 isagoo dannoodoo naqliyo doollo miranaaya
-
77 oo dahabo meeshii tihiyo degelki buuhoodle
78 haddii uu dhashii dawlad yahay diquma foofeene
79 malaa neefku waa nagu dulsaar duud cadhoola,ahe
80 doolaalo waa kii u galay doonnilaa bariye
81 dirqi baan ku soo celiyey iyo doohiyo carrooye
-
82 malaa waa u daaq tegi lahaa dilaba waagiiye
83 durrujaa intuu dhalilahaa duuf ku wada yaallo
84 aan dibu guhaadoon lahaa duur ha dhaansado,e
85 dabbrimihiyo seedaha ka gura waa duq baadiyahe
[ abwaan suusle]
Short URL: http://allssc.com/?p=42955













Ilaah abwaanka ha,xafido Amiiiiiiiiiiiiiiin
lakiin waxaan jaclaan lahayn iyadoo vidyoog ah si ay dadku u,wada daawadab waad mahad santihiin
Bada allssc scww
waaw thank you abwaan suusle runtii waa gabay murtiyeysan oo micno weynkufadhiyo nin ragana waagaranayaa doqona loosheegimaayo
abwaanka weyn ee reer khaatumo aad ayaan kuusalaamaynaa
fadlan noo fasira idinkoo raali ah