Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Abuu Muscab “5-maalmood 20-KM ayay noqotay cabirka ay dhaqaaqeen jidka Baydhabo iyo Muqdisho”

Allssc(Allssc)Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa ka warbixiyay dagaalo iyo weeraro maalmihii u dambeeyay ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, kadib markii ay jidka u galeen Kolonyada ciidamada dowladda iyo AMISOM.

Abuu Muscab ayaa sheegay in shanti maalmood ee u dambeeyay aysan wax dhaq dhaqaaq buuran sameyn Ciidamada AMISOM, isagoo ka dhawaajiyay inay ku dileen ilaa 27-askari oo 8-ka mid ah ay ahaayeen Ciidamada AMISOM iyo afar nin Cadaan ah.

“Shalay waxay dambeen inay soo dhaqaaqaan, waxaa gurmad uga yimid Balli-doogle, waxay ku dhaceen ilaa labo kamiin, qasaaraha guud ee shanta maalmood Talaadadii ilaa Sabtidii waxay tahay 27-askari, gaadiid ayaa laga gubay jimcihii ilaa shan gaari, mid waa gaari Taangi oo bool bool u furmay, Miino ayaa qabsaday iyo gaari beebe ah”ayuu yiri Abuu Muscab.

Abuu Muscab ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay doonayaan inay kala wareegaan Ciidamada Itoobiya ammaanka magaalada Baydhabo, isagoo xusay inay si indho la’aan ay doonayaan inay wadada maraan, waxaana uu ku hanjabay inay caqabad ku noqon doonaan isticmaalka wadada.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa todobaad ka hor la wareegay garoonka diyaaradaha Balli-doogle iyo degmada Wanlaweyn, iyagoo qorsheynaya inay dhowaan gaaraan magaalada Baydhabo, si ay isugu xiraan wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo.

Short URL: http://allssc.com/?p=43757

Posted by on Oct 21 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery