Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Oo Booqasho Ku Jooga Magaalada Baladweyn Ee Gobolka Hiiraan
Baladweyne(Allssc): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Shiikh Max’uud oo ay wehliyaan xubno xildhibaano ah oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiran.
Madaxweynaha oo duhurnimadii maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ayaa waxaa halkaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobollka oo uu horkacayay C/fitaax Xassan Afrax.
Waxaa salaan sharaf uu ka qaatay madaxweynaha cutubyo ka mid ah ciidamada Jabuuti ee ka tirsan howlgalka AMISOM kuwaasoo siweyn uga qeyb qaatay sugida amnigaanka madaxweynaha.
Madaxweyne Xassan Shiikh oo hadal dheer ka jeediyay madasha ayaa farisay ujeedada socdaalkiisa Baladweyne oo uu ku tilmaamay in uu dhibaatada la qeybsado dadka ku dhaqan magaalada oo ay dhawaan ku dhufteen biyo ka soo rogmaday wabiga Shabeelle.
Sidoo kale waxaa uu madaxweynuhu sheegay in socodaalkiisu yahay mid salka ku haya in uu bulshada gobollka Hiiraan u fasiro wax qabadka dowladdiisa mudada afarta sano ah ee soo socta, iyo waliba in uu dadka la qeybsado ra’yigooda ku aadan nooca ra’iisal wasaaraha ay doonayaan.
‘’Marka uga horeysa waxaan aad uga xunnahay masiibadii soo food saartay dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne oo ay ku dhuftay fatahaada wabiga Shabeelle, runtii dowladdu arintaa ma mooga, waana tan maanta na keentay halka, inkastoo gacanta dowladdu iska gaaban tahay, haddana waxaa ay diyaar u tahay dowladdu in ay dhibaatada la qeybsato dadka,’’ ayuu yiri,’’ madaxweynaha.
Sidoo kale madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud waxaa uu soo hadal qaaday wax qabadka dowladdiisa mudada afarta sano ah ee soo socta, waxaana uu si gaar ah carabka ugu adkeeyay dhinaca nabad-galyada.
‘’Haddii uusan amaan jirin wax kale oo jiri kara malaha, waana tan keentay in muhiimadeena kuwaad, labaad, iyo sadaxaadba aan ka dhigno amniga ayuu yiri,’’ madaxweyne.
Waxaa kaloo uu sheegay in ay hadda ku howlan yihiin sidii ay u soo magacaabi lahaayeen ra’iisal wasaare soo dhisa xukuumadii shaqeyn laheyd mudada afarta sano ah ee soo socta, sidaa daraadeed loo baahan yahay dadku in ay fikirkooda ka dhiibtaan nooca ra’iisal wasaarraha ay u baahan yihiin.
‘’Waxaa rabaa in aan idin weydiiyo nooca ra’iisal wasaaraha aad u baahan tihiin, waxaa uu doonayo in uu qabto, iyo waxa ay tahay in uu ka hor tago,’’ ayuu sheegay madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud.
Mar uu soo hadal qaaday arinta ku saabsan dhimaha maamul gobolleedyada, waxaa uu sheegay in hadda ka dib aysan dhicin doonin in gobollada maamul kor looga keeno, laakiin loo baahan yahay bulshadu in ay iyadu soo doorato qofka ay dooneyso in uu hogaamiyo.
‘’Anniga marar badan ayaan Baladweyne soo gaaray, waliba aniga oo cilmi baaris ka sameynaya, waan ogahay wax yaabaha jir jira iyo sida leysku diidan yahay, laakiin waxaa leeyahay reer Hiiraan ama reer Baladweyne labo wado ayaa u furan, in ay hishiiyaan oo ay maamulkooda dhistaan iyo in ay gacamaha kor u taagaan oo meelo kale looga taliyo ayuu yiri,’ ayuu yiri,’’ madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud.
Ciidamo ka tirsan maamulka gobollka, Itoobiya iyo kuwa ka socda midowgga Africa ee AMISOM ayaa siweyn uga qeyb-qaatay sugida amniga magaalada Baladweyne mudadii uu booqashada ku joogay madaxweynaha.
Muqdisho Allssc News Desk
Allssc3@gmail.com
Allssc@hotmail.com
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=42485












