Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Xukuumadda Siilaanyo, oo Go’aansatay Isticmaalka Baasaboorka Somalia Weyn

Shirkii Golaha Wasiiradda ee khamiistii dhaweyd ayay Xukuumaddu si adag uga dooday go’aan uu Sucuudigu ku joojiyay Baasaaboorkii hore ee Somaliya ee ay reer Somaliland Isticmaali jireen, iyagoo ku bedelay Baasaaboorka cusub ee ay Dawladda Somaliya soo daabacatay, taasoo ay Dawladda Sucuudigu sanadkan dhaqan gelisay, isla markaana Xajka aan isaga mooyee mid kale lagu tagi doonin.

Shirka Wasiiradda inkasta oo aan Saxaafadda loo ogolayn, Xukuumadduna aanay ilaa hada u sheegin dadkeeda Go’aanka asy ka soo saartay, ayay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Waaheen u xaqiijiyeen in Doodii lagaga tashanayay Baasaaboorkaasi Dood culusi ku dhex martay Wasiiradda, iyagoo u kala qayb samay koox tidhaahda aynu qaadacno Xajka si aynu Dawladda Sucuudiga culays ugu saarno, iyo Koox ku dooday maadaama aynaan Ictiraaf haysan inaynu aqbalno go’aanka Sucuudiga oo aynu isticmaano Baasaaboorka Dawladda Somaliya ee la aqoonsan yahay.

Kooxda Wasiiradda ah ee ku doodaysay in la qaadaco Xajka waxa ay aragtidooda u food saaraynaysay maadaama Sucuudigu yahay Dal Islaam ah Xajkuna yahay Tiir ka mid ah Tiirarka Waajibka ku ah Shucuubta Islaamka inay arrintaasi suurtogal noqon karto inuu aqbalo Cabashadeena. Iyagoo waliba u arkayay fursada labaad eek u jirta Diidmadda Xajku inay noqon karto fursad kale oo Dubalamaasiyadeed oo ay Beesha Caalamku ku maqli karto Codkeena maadaama ay u arkaan Xajku inuu yahay Rukun ku weyn Islaamka…

mukhtaar@allssc.com

 

Short URL: http://allssc.com/?p=39741

Posted by on Sep 3 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Xukuumadda Siilaanyo, oo Go’aansatay Isticmaalka Baasaboorka Somalia Weyn”

  1. jamac

    sacuudigu waa wadan aad xun haddu rabo in somaali mid noqoto oo islaamku isku duubmo waa in wuu wadamada jaarka la yahay sida seriya iyo ciraaq dadkeeda soo daweeya …….somaliland iyo somaliyana shir u qabtaa

Qormadaada

Recently Commented

Photo Gallery