Xarakada Shabaab oo Qiratay in Kismaayo gudaha u soo galeen Ciidamada Kenya iyo Duqeymo hada ku socda Magaaladaasi
Muqdisho(Allssc) Warbaahinta Xarakada Al-Shabaab ayaa goordhaw shaaciyay in Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay gudaha usoo galeen qeybo kamid ah Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Warbaahinta Shabaab waxa ay sheegeen in Ciidamadan Huwanta ah ay dhinaca Badda kasoo galeen Magaalada hadana ay kusugan yihiin Qeyb kamid ah Magalaada gaar ahaan dhulka xeebta ah ee Magaaladaasi.
Magaalada Kismaayo hada waxaa ka jira abaabulkii ugu dambeeyay ee Shabaab dadka ku amrayaan in ay Dagaalka Kismaayo ka qeyb ka qaataan maadama ciidamada dowlada iyo kuwa amisom ay magaalada qeybo kamid ah soo galeen.
Warbaahinta Al-Shabaab ayaa dhankooda toos u tabinaya Dagaalka kasocda Magaalada Kismaayo iyadoona Wariyaasha Idaacdaaasi iyaga oo qorya wata kuna sugan jiidaha Dagaalka soo tabinayaan sida ay wax u socdaan.
Sidoo kale Idaacada Waxaa ka hadlaya Saraakiil sar sare oo katirsan Al-Shabaab kuwaa oo dadka ku boorinaya in ay dagaalka ka qeyb galaan ayna xoojiyaan difaaca Magaalada Kismaayo.
Saraakiisha ka hadlay Idacada waxaa kamid ah Sheekh Cabdi Casiis ABuu Muscab Afhayeenka Al-Shabaab waxa uuna sheegay in Ciidamada Kenya ay Badda kasoo galeen Magaaladaasi sidoo kale Diyaradaha dagaalka ay magaalada Dul heehaabayaan isagoo xusay in ay dhulka soo dhigi doonaan Diyaaradahaasi.
Wararka qaar aan magaalada ka heleyno ayaa sheegaya in Duqeymo Culus ay Magaalada kusocdaan inkastoo Dagaalkii labada dhinac u dhaxeeyay uu hada qaboobay.
Ciidamo kale oo katirsan Dowlada iyo Kenya ayaa kasoo dhaqaaqay Deegaanka Janaay Cabdalle ee duleeda magaalada kismaayo kuwaa oo doonaya in dhinaca Dhulka ay kasoo galaan Magaaladaasi.
Ha ka fogaan shabakada Allssc wixii ku soo kordha dagaalka Kismaayo.
Maxamed Wali
Allsssc
Muqdisho
Short URL: http://allssc.com/?p=42145













