Xaqiiqada Dhabta Ah Ee Mareykanku Ka Qabo Shacabka Falastiin (Daawo)

Muqdisho (Allssc.com)

Waxaa dad badan amakaag ku noqdey qadiyada madaxda dalka mareykanku ka taaganyahay iney xor noqdaan shacabka 60-ka sano dulman ee Falastiin xoriyadooda ka qaataataan nidaamka cunsiriga ah ee dhulkooda ku habsadey. Arintan ayaa soo ifbaxday kadib markii Vedio si qarsoodi ah looga duubay  musharaxa xisbiga Jmahuuriga Mareykanka Romney hadalkaas oo uu ku cadeynayo mawqifka mareykanku ka qabo in dadkaasu xoroobaan, kuna sheegayo in Falastiiniyiintu ay yihiin dad ay ka go’an tahay inay bur briyaan Israel.

Isaga oo la hadlayay dad taageerayaal u ah oo lacag ku taageerayey si uu madaxweyne u noqonlahaa, ayaa Mitt Romney waxa uu qeexay in Bariga Dhexe ay sii ahaan doonto dhibaato aan xal loo helin.

Waxaa video-ga lasoo dhigay website-ka Joornaalka sirta baara ee ay lee yihiin liberals-ka Mareykanka ee Mother Jones.

Mr. Romney ayaa la maqlay isaga oo oranaya “Falastiiniyiintu waxa ay u joogaan kaliya bur burinta iyo ciribtirka Israel”

“Falastiinyiintu wax dan ah kama lahan waxa ay doontaba ha ahaatee inay aas aasaan nabad” ayuu yiri isaga oo intaas ku daray “Waddada nabadda, iminka waa mid aan lagu fikiri karin in lagu guuleysto”.

Madaxda iyo shacabka Falastiin ayaa aaminsanaa in dawlada mareykanku daacad ka tahay dhexdhexaadinta ay leedadhay waxaan idin dhexdhexaadinayaa idinka iyo Israa’iiliyiinta, waxaanuna ogolahay in aad labo wadan oo derisa noqotaan, taas oo dad badan oo xogogaalihi aysan weligood rumeysan iney dhab ka tahay.

Your ads will be inserted here by

Easy AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Hoos ka daawo Vidowga:

 

HALKAN GUJI SI AAD U DAAWATO VIDEO-GA

 

Maxamed Weli

Muqdisho

Allssc.com

allssc@allssc.com

 

Like!
0
  • Like!
    0

Comments:

Leave A Comment

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>