Xaflad Balaadhan Oo Lagu Taageerayo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud Oo Lagu Qabtey Magaalada Minneapolis, MN, USA
Allssc(Minneapolis): Xaflad balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaaan qaybaha kala duwan oo lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud ayaa lagu qabtey xarunta weyn ee loo yaqaan “Convention Center” ayaa xalay lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka MN. Xafladan oo si heersare ah loo soo agaasimay, oo barnaamijyo isugu jira diini, wacyi gelin, taageero iyo madadaalo ahba lagu soo bandhigay. Jaaliyada Khaatumo State ee MN oo ay ugu horeeyaan gudida Khaatumo State ee MN ayaa qayb lixaadleh ka qaadatey xafladan abaabulkeedii iyo kasoo qaybgalkeediiba. Waxaa xusid mudan inuu khudbad qiimo badan oo weliba waqtigiu u saamixi waayey inii dhamystito uu kasoo jeediyey madasha shirka Cabdirashiid Maxamuud Faarax oo ka mid ah groupka G11 ee buddhiga ah maamulka khaatumo.
Dhamaan dadkii madasha shirka ka hadalay waxay hambalyo u direen Maxaweyne Xasan Sh Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanaka Soomaliya Prof Jawaari iyo dhamaan goloha baarlamaanka Soomaaliyeed ee sida sharafta badan ee xaqa ahayd ugu codeeyey madaxweyne Xasan Sh Maxamuud. Waxay kaloo talooyin usoo jeediyeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxayn ugu duceeyeen in ilaahay u fududeeyo xilka balaadhan ee loo doortay. Shacabka Soomaaliyeedna waxy ugu hambalyeeyen dowladooda ka baxday kumeel gaadhka, waxayna ku booriyeen inay taageero hiil iyo hoo ahba la garab istaagaan dowlada cusub ee Soomaaliyeed eee uu gadhwadeenka ka yahayMadaxweyne Xasan Sh Maxamuud.
Waxaaa xaflada si toosa khadka taleefanka ugaga soo qaybgalay Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa shacabkii shirka joogay siiyey warbixin kooban oo kusaabsan xaalada guud ee wadanku marayo. Madaxweynuhu wuxuu daweynihii kasoo qaybgalay xaflada taageerda oo aad u badnaa uga mahadceliyey taageerdadooda. Wuxuuna shacabka u sheegay inay kaqayb qaataan dib u dhiska wadanka, kuna tashadaan sidii ay ugu soo noqn lahaayeen wasdankooda uguna qayb qaadan lahayeen soo celinta qarankii Soomaaliyeed.
Allssc waxay idiin balanqaadaysaa inay idiin soo dayso qaybo badan oo ka mida xaflada. Waxaad halkan ka daawan kartaan qaybo ka mid ah sawiradii xaflada.
Short URL: http://allssc.com/?p=41818













