Xaflad Balaadhan Oo Lagu Maamuusayay Waxqabadka Wasiirad Ku Xigeen Arimaha Dibada Khaatumo State Of Somalia Oo Ka Dhacday Magaalada Columbus (Daawo).
Columbus(Allssc): Xaflad balaadhan oo aad loo soo agaasimay laguna sharfayey waxqabadka wasiir ku xigeenka arimaha
dibada ee khatumo state of somalia Farduus M.Mirre ayaa xalay lagu qabtay magaalada Columbus Ohio.
Xafladaasi oo Governor iyo Mayerka magaalada columbus wakiilo ka socdaa ay ku gudoonsiiyeen shahaadooyin aqoonsi ah waxqabadka wasiir ku sigeenka arimaha dibada khatumo state of somalia Farduus M. Mirre ayaa waxaa halkaasi ka hadlay
masuuliyiinta Gobalka Ohio Mayor Mickael B. Coleman, Congressman Tibri, Congressman Stivers and Governor kasic Wakiiladooda oo dhan.iyo Walaalaha Africa Diaspora, Federation of African Organisation FAOO.
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Siciid Hashi , Garaad Abdillahi , Gudoomiyaha jaaliyada soomaliyeed ee columbus,
Abdillahi Faracade, Ahmed Barawe,iyo Abdikhayr.
Halkan Hoose Ka Daawo
Halkan Ka Daawo
Abdirahman Afi Columbus Ohio
Allssc3@gmail.com
Allssc@hotmail.com
Allssc@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=41301













Reer Khaatumo waa in maalin walba la isweydiiya maxaynnu u qabanaa dadkeena,dalkeenna iyo diinteenn,oo aamn badi lagu mashquulin maxaa war la hayaa. In kasta oo la yiri war la helaa talo la helaa haddana waxaa iyana muhiim ah in hal abuur la sameeyo,oo aqoonta,maalka,nafta iyo waqtiga la quudho.
Hambalyo Farduuse iyo inta ku garab istaagta hawsha ay qabatay. Waa hubaal haddii ruux kasta oo Khaatumo ahi wax qabad iyo ficil ku biiriyo danta guud in guul la gaadhi doono.