Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Xafiiska Nabadoonada Gobolka Bari Oo Ay Albaabada U Laabeen Maleeshiyada C/raxman Faroole

Boosaaso(Allssc): Maleeshiyada C/raxman Faroole ee ka howl gala Magaalada Boosaaso ayaa maanta al baabada isugu dhuftay Xafiis ay ku lahaayee Nabadoonadda Gobolka Bari Gaar ahaan Dagmada Boosaaso oo Fadhigoodu ahaa Caasumada Gobolka Bari Boosaaso .

Sida ay Saxaafada  u xaqiijiyeen dad ku sugan Boosaaso  waxaa galay xafiiska Nabadoonada Boosaaso Maleeshiyaad ka amar qaata C/raxman Faroole ee ka howl galla Magaalada Boosaaso , Waxaay ka qaateen kuraasti iyo qalabki kale ee sahlaayay in xafiiskaasku uu ahaado mid shirar lagu qabto .

Odayaasha Gobolka bari ee Fadhigoodu yahay Magaalada Boosaaso ayaa qaybo ka mid ahi waxa ay mudooyinkaan soo saarayeen baaqyo isdaba joog ah oo ku wajahan xukuumada Fadhigeedu yahay Garoowe , baaqyadaas oo ay ujeedooyinkoodu ahaayeen dagmooyin Maamulka Puntlandka reebay kuwa ay ka dhacayso doorashada Lagu muran san yahay ee uu  Cabdiraxmaan Faroole iyo Gollihiisu iclaamiyeen .

Xiriir aa lasamaynay nabadoonada Gobolka Bari qaybo ka mid ah ayay noo sheegeen in dhacdadu ay xaqiiq tahay balse aysan ilaa hadda ogayn sababta keentay in la qabsado xafiiskooda lagana qaato agabki oollaa xafiiskaas ee ay ku howl gali jireen .

Faroole ayaa isaggu cadaadisku haya qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaana inta badan la bartilmaameedsadaa dadka u hadla shacabka ku dhaqan Deegaanadda xiligaan Garoowe laga maamulo.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Nabadonada Xafiiska Laga Xidhay Oo Hore U Eedeeyay C/raxman Faroole

Halkan Ka Dhagayso

Cismaan Qandala Allssc Garoowe Somalia.

Allssc3@gmail.com

Allssc@hotmail.com

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=41809

Posted by on Sep 23 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery