Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Wariye Sare Oo Warbixin Xeeldheer ka Diyaariyey Somaliya Guud ahaan , Gaar ahaan Somaliland iyo Puntland Oo Uu Ku Tilmaamay Meelo aan Cago Ku Taagneyn Oo Halis ah.

Hargaysa(Allssc): Wariyaha layidhaaho  Ilya Gridneff ayaa warbixin aad uyaab iyo xiiso badan ka diyaariyey safar uu kutegey Dalka Soomaaliya Ninkaas  oo sixeeldheer wax uga qoray somaliya isagoo tilmaamaya Dhibaatooyinka xeesha dheer ee ka jira Somaliland oo uu ku tilmaamay inay tahay meel aan cagobadan ku taagneyn oo Al-shabaab iyo alqaacida isku urursanayso dhanka kalena qabiilada degeni hubaysanyihiin oo ay khatar ugu jiraan inay dhexmarto dagaalo. Dhanka kale afduubka ayuu ku tilmaamay mid ka jira kana dhicikara Maamulka Hargeysa oo uu sidookale ku tilmaamay in hogaamiyaha  maamulkaas ee Axmed siilaanyo uu ku eedeysanyahay inuu waxkadhacay lacagaha lagu eedaynayo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee Koonfur, Puntland iyo Somaliland dhamaan ay ka simanyihiin kuna eedaysanyihiin dhaca hantida loogu deeqo shacabka Soomaaliyeed , ama woqooyi hajoogeen ama bari ama Koonfure. Isku soo wadaduuboo wuxuu Somaliland ku tilmaamay weriyahaasi meel halis iyo fakhri laciir ciiraysa oo aan nabadi kajirin kana soo daraysa marba marka ka danbaysa.

Maamulka Khaatumo ayuu ku tilmaamay inuu yahay mid  ku salidan Somaliland oo ay Khaatumo doonayso  inaanay ka mid noqonin maamulka Hargaysa oo aan ilaa iyo hada helin wax citiraaf ah hadana amaan  dari iyo fakhri hadheeyey bulshada ku dhaqan somaliland. Ilya Gridneef wuxuu tilmaamay inay Somaliland tahay meel kulul oo qalalan oo dadkeedu degenyihiin buulal iyo maryo cululufa oo laysku karkaray ayna ka muuqato calaamada fakhrigu oo halis ah  xaga nabadgelyada iyo noloshaba.
wuxuu aad u amaanay in qurbajoogta Somaliland yihiin kuwo ku soo kordhiyey bulshadooda horumar xaga  ganacsiga iyo dhismayaashaba, dadkuna aad ugu faanaan maalgashigooda iyo kusoo noqoshadooda ay ku soo laabteen Somaliya.

Isku soo wada duuboo Soomaaliya guud ahaan waa meel aan wax dawlad ahi ka jirin ilaa iyo 1991 oo dhib aad ubadani ka jiro, astaana u ah nabadgelyo xumo iyo fakhri malaayiina ay ka barakaceen deegaamadoodii, qaxoontigaas oo ukala cararay dalka dibadiisa iyo qaarkaloobadan oo ukala qaxa Somaliya gudaheeda , ayuu yidhi Ilya gridneff oo ah masuul katirsan qaramada midoobey.

Puntland ayuu iyadana ku tilmaamay   Ilya Gridneff  inay tahay meel aan wax maamul ahi ka jirin oo budhcad badeed iyo qas ka taaganyahay halisna ay u tahay inay ka soo butaacaan waxyaabo aan lafilayn oo  khatar weyni ku jrto. Intaasi waa guudmar aan kuusoo koobay qoraalkii Ilya waxaadse isagoo English ah oo faahfaahsan ka akhrisan kartaa halkan hoose qoraankani wuxuu soo baxay shalay:
Cabdi Cali, Weriye madax banaan.

Short URL: http://allssc.com/?p=39752

Posted by on Sep 3 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Recently Commented

Photo Gallery