Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Warbixin ku saaban shir madaxeed gaar ah looga hadlay Arrimaha Soomaaliya oo ka dhacay New York(Sawirro+Warbixin)

News York(Allssc)Shir madaxeed gaar ah oo laga bar bar qabtay shirkii Golaha guud ee loo dhan yahay Qaramada Midoobey ayaa xalay lagu qabtay magaalada New York ee dalka Mareykanka, kaasoo ay ka qeyb galeen Madax badan oo Caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Shirkan oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon, dowladda Britain iyo Turkiga, iyadoo shirkan uu si toos ah Muqdisho looga soo xiriiray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho kala socday maqal iyo muuqaal.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo shirka xiriirinayay ayaa ugu horeyn amaanay is bedelka ka dhacay Soomaaliya, iyadoo ajandaha shirka uu ahaa mid diirada lagu saarayay degenaanshaha Soomaaliya, Amaanka, iyadoo lagu gorfeeyay sidii Maamulka cusub ee Soomaaliya loogu sameyn lahaa waxyaabo uu hiigsado xilliga dhow, xilliga dhexe iyo xilliga fog.

Ban Ki-moon ayaa sheegayn in is bedelkii mudada la sugayay uu hada yimid, isagoo amaan u jeediyay dhamaan dalalkii ka qeyb qaatay sidii nabadgelyo, dib u heshiisiin iyo dimoqraadiyad loogu gogol xaari lahaa Soomaaliya.

“Is bedelkii aan sugeynay mudada dheer waa yimid, kadib sideed sano oo KMG ah iyo heshiisyadii Kampala Accord, iyo heshiiskii Jabuuti, waxaana lagu soo afjaray wadada Road Map-ka, Soomaalida waxay qaateen Dastuur KMG ah, waxay sameeyeen Baarlamaan cusub, waxay Madaxweyne u doorteen Xasan Sheekh Maxamuud, habkaas Soomaalida hogaamineysa waxaa lagu soo gaba gabeeyay Baarlamaan Federaali ah, oo la doortay Afhayeenkii Baarlamaanka iyo Madaxweyne cusub, Soomaaliya waxay doorteen Rajo aayaha dambe, waxaan u mahad naqayaa xulafada caalamka ee is bar bar-taagtay Soomaaliya, hadii ay joogeen Muqdisho, Newyork, Addis Ababa, London, Istanbul, Jabuuti, dhamaantood iyo Qaramada Midoobey waxay ka caawiyeen in dhulka loo xaareen nabadgelyo iyo dimoqraadiyad iyo dib u dhiska Soomaaliya”ayuu yiri Ban Ki-moon.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirka, isagoo uga qeyb qaadanayay maqal iyo muuqaal uga qeyb galay shirka ayaa waxaa uu sheegay in dhismaha Soomaali cusub inuu wadada ku soo jiro, isagoo bogaadiyay taageerada hagar la’aaneed ee Beesha caalamka.

“Anigoo idinla hadlaya waxaa idin sheegayaa, inaan goosanay inaan dhisno Soomaaliya cusub oo jidka ku soo socotay, taasoo hada ay bilaabatay, waana sii xoojin doonaa, si diiran aan ugu gudbiyo abaalka aan u heyno qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, Midowga Yurub, Mareykanka, dalalka Islaamka iyo dhamaan qeybihiii is bar bartaagay mudadii Soomaaliya dhibaatada ku jirtay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo ka hadlayay dhibaatooyinka la soo maray, caqabadaha horyaala iyo waxyaabaha uu qabnayo ayuu xusay in 10-kii sano ee u dambeeyay la soo maray dhibaatin, isagoo xusay in beesha Caalamka ay ku taageereen in mugdigii dalka ku jiran in laga saaro.

“Kadib waqti dheer oo aan dhibaato ku jirnay waxaan sameynay jamhuuriyadii 3aad, awoodeyda Madaxweyne waxaa hortiina ka xaqiijinaya in maamulkeyga sanadaha soo socota inay ka muuqan doonto, hab cusub iyo bilow cusub waqtiyada soo socda, ra’isal wasaaraha imaan doona oo aan dhowaan magacaabi doono waxaa uu hogaamin doonaa dowlad federaal oo karti leh, oo leh hey’ado shaqeeya, oo soo nooleeya, dhaqaalaha iyo bulshada, nabadgelyo iyo dib u hagaajin, iyadoo la cuskanayo cadaalad iyo sharci”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay u dhaqaaqi doono bilow cusub, gaar ahaan iyadoo la bedelo doono hab dhaqameedkii siyaasadeed iyo maamul ee horay u jiro, si aayadaha dambe uu u noqdo mid iftiin leh, isla markaana wanaagsan, waxaana uu balan qaaday in qaladaadkii horay loo galay iyo fursadihii lumay inaan dib loogu noqon doonin.

“Anagoo u dhaqaaqeyna dhinaca cahdi cusub, waxaa indhaha ku heynaa sidii loo bedeli lahaa hab dhaqameedkii siyaasadeed iyo maamul ee horay u jiray, si aayaha dambe u noqdo mid iftiin leh oo wanaagsan, dhamaanteen waa inaan ku celinaa qaladaadkii hore iyo fursadihii lumay inaan dib loogu noqon, dal kasta oo bur buray dambaska kama soo kicin, hadii aan taageero ka helin Caalamka, Soomaaliyana taas kama duwana, is bedel dhab ayaa ka jira, waxaa loo baahan in aduunka ay bedelaan fikirkii ay ka heysteen Soomaaliya, oo aayaha dambe la noqdo marka la wada hadlayo dad xulufo ah, arrimaha Soomaaliya ay ku saleysan yihiin, sidii loo dhisi lahaa hey’ado macno leh oo dowladda ay leedahay”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.


Gudoomiyaha Midowga Afrika ee waqtigiisa dhamaaday Jean Ping ayaa kulanka ka sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay taageero caalami ah, isagoo xusuusiyay sida shirkan oo kale uu muhiim ugu yahay sidii taageerada beesha caalamka looga dhabeyn lahaa si Soomaaliya cagaheeda ay ugu istaagto.

Xoghayaha Arrimaha Dibada Britain Willaim Hague ayaa kulanka ka sheegay in Muqdisho ay ka furan doonaan safaaradooda, hadii ay nabadgleyada saamaxdo, waxaana uu u balan qaaday dowladda Soomaaliya deeq lacageed oo gaareysa 10-Milyan oo Pound.


Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron ayaa soo dhoweeyay is bedeladii ka dhacay dalalka Carabta iyo doorashadii Soomaaliya ka dhacday ee lagu soo doortay Madaxweyne, isagoo sii weyn u ammaanay si bedelada sanadkii la soo dhaafay bilowday.


Mas’uuliyiintii ka hadashay shirka ayaa waxaa ka mid ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Hillary Clinton, Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Kenya, Koofur Afrika, Masar iyo dalalka Turkiga, Brundi, Uganda, Sacuudiga, Farasiiska, Norway, Sweden iyo dhamaan dalalka daneeya Soomaaliya.


Beesha caalamka ayaa markan si isku mid ah xiiso gaar ah u siineysa Arrimaha Soomaaliya iyo is bedeladii taariikhiga ahaa ee dhowaan ka dhacay, waxaana ay dhamaan muujiyeen sida lagama maarmaan u tahay ammaanka iyo degenaanshaha Soomaaliya.

Allssc News Desk/Online
allssc@allssc.com
hiirad@allssc.com
kalshaale7@gmail.com
News York,USA 

Short URL: http://allssc.com/?p=42074

Posted by on Sep 27 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery