W.Arimaha Gudaha Maamulka SNM,Maxamed Nuur Caraale (Duur ) Oo Sheegay Iney Soo Dhaweynayan Kooxda Al-shabaab+Xogo Badan Oo Hoose
(Allssc)Wasiirka arimaha gudaha ee Soomaaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur ) ayaa dhowaan waxaa uu shaaciyey in ay xukuumada Soomaaliland si wacan u soo dhoweynayso dad ka tirsan kooxda Al-shabaab iyo weliba urur la yiraahdo Islaax oo isna ka jira meelo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.Qaar ka tirsan Baarlamanka Soomaaliland ayaa su,aalo adag ka weydiiyey Wasiirka arimo ku saabsan taageerida kooxda Al-shabaab, fasixida in Passaport-ka Soomaaliga ah lagu aadi karo xajka kaasi oo ay ogolaatay Soomaaliland iyo weliba arimo kale oo dhowr ah oo qaarkood si weyn loo hadal hayey.
MR, Duur waxaa uu aan ka laabasho lahayn uu ugu dhawaaqay in ay Soomaaliland taageero buuxa u fidinayso xubno ka tirsan Kooxda Al-shabaab, isagoo sheegay in ay kooxdaasi tahay dhalinyaro iyo weliba xarako ka dagaalanta koonfurta dalka Soomaaliya, Arintaasi ayaa muran badan ka dhalisey Soomaaliland.
Hadalka wasiirka kadib waa sidee Tuhunka beesha caalamka.
Gobolka Geeska Afrika waxaa ku sugan Sirdoon isugu jira American iyo weliba kuwo ka socda Dowladaha Britain iyo France kuwaasi oo xaruumo kala duwan ku leh Gobolka, qaarkood waxaa ay aad ula socdaan arimaha Argagixisanimo ee ka jira Gobolka.
War-bixin Toddobaadle ah oo ay soo saareen Sirdoonka Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in ay Soomaaliland haatan wejiga la gashay marxalad cusub, waxaana qoraalka lagu qorey in ay foolanayso Qatar cusub oo Gobolka ka dhalata.
Qoraalka CIA-da Maraykanka ayaa waxaa lagu soo xigtey saraakiil ka tirsan Koox la yiraahdo East Africa security firm kana Tirsan sirdoonka Maraykanka ee Gobolka, waxaana uu sarkaalkaasi shaaciyey in ay haatan beesha calaamka il gaar ah ku hayso Soomaaliland.
Waxaa beesha caalamka la wadda ogeysiiyey in ay kooxda Al-shabaab saldhigyo waa weyn haatan ka sameysan doonto gudaha Soomaaliland, waxaa xusid mudan in qoraalka Toddobaad laha ah loo gudbiyey isla Qaramada Midoobey.
Xogta rasmiga ah iyo qoraalka Sirdoonka Maraykanka,Tan iyo markii uu hadalkaasi ka soo baxay wasiirka arimaha gudaha ee Soomaaliland Mr, Duur waxaa xiriiro kala duwan lala sameeyey Madaxda sar sare iyo weliba Wasiir Duur laftiisa, iyagoo su,aalo laga weydiiyey arintaasi iyo xogta ka dambeysa.
Sirdoonka Maraykanka waxa ay sheegeen in ay xiriiradaasi la sameeyeen Madax kala duwan waxaana uu Wasiir Duur shaaca ka qaaday in uusan arintaasi isagu lug ku lahayn balse ay tahay amar ka yimid dhanka Madaxtooyada Soomaaliland.
” Khatar weyn ayaa ka soo socota Soomaaliland oo ahayd dhul nabad ah muddo dheer balse haatan waxay saaxiib dhow la yihiin Al-shabaab, weliba arintaasi waxaa ka dambeeya Wasiiro ka tirsan Soomaaliland oo uu ku jiro wasiirka Madaxtooyada Hersi Ali Haji ” ayaa lagu yiri qoraal soo baxay.
Dalalka reer Galbeedka iyo Qaramada Midoobey waxaa ay haatan Indhaha ku hayaan Somaliland, waxaana lagu tilmaamay dareen cusub oo Gobolka ka soo ifbaxay, waxaa xusid mudan in inta badan ee koonfurta haatan laga saarey Al-shabaab iyadoo haatan la wadda sugayo meelaha ay saldhig ka dhigan doonaan kooxdaasi.
By: Yasiin Ayjeex.
Allssc News Desk/Online
hiirad@allssc.com
kalshaale7@gmail.com
hiirad@allssc.com
kalshaale7@gmail.com
Short URL: http://allssc.com/?p=42131












