Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Ururka Xisbul Islaam Oo Isaga Baxey Kooxda Alshabaab ( Dhagayso).

Muqdisho (Allssc.com)

Afhayeenka oo u warramayey bbc-da, ayaa sheegay inay si buuxda uga baxeen ururka Al-shabaab, isla markaasna ay soo saareen bayaan ay ku caddeynayaan amuurtaas, wuxuuna intaas ku daray inay fiirinayaan sida uu u dhaqmo hoggaanka dalka Soomaaliya ee dhawaan la doortay.

Afhayeenka  ayaa sheegay inay soo saareen bayaan ay qodobadiisa ahaayeen.

1- Inay ka baxeen ururka Al-Shabaab.

2- Inayan raacsaneyn siyaasadda iyo hadafka Al-Shabaab.

3- Inay aaminsan yihiin ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

4- Inay sharci darro u arkaan ciidanka shisheeye ee dalka ku sugan.

5- In la raadiyo midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.

6- Inay aaminsan yihiin in xal wada hadal lagu raadiyo xalinta mashaakilka dalka Soomaaliya.

Maxamed Macalin mar la weydiiyey cidda kula socota arrinkan ee mas’uuliyiinta Xisbul Islaam ee la yaqaanay, ayaa ka gaabsaday inuu magacaabo, wuxuuse carrabka ku adkeeyey in mas’uuliyiintii ururka ay isla socdaan, isla markaasna uusan hadda dooneynin inuu shaqsiyaad magacaabo.

Arintan ayaa imanaysa xili kooxda Alshabaab ay xad gudubyo shareecada islaamka ka baxsan oon loo dulqaadan karin kula dhaqmeyso shacabka ku nool dhulalka ay hesytaan iyo dhulalka ku dhowdhow.

Laba sano ayaa laga joogaa markii ururkii Xisbul Islaam ee uu Madaxda ka ahaa Sh.Xasan Daahir Aweys uu ku biiray xarakada Al-Shabaab, iyadoona dhawaqan ka soo yeeray afhayeenkii ururkaaas uu imaanayo xili dalka ay ka dhacayaan isbeddelo badan, waxaana xusid mudan in Sh. Xasan Daahir laftiisa uu marar dhowr ah sheegay inuusan ku qanacsaneyn qaabka Al-Shabaab wax u waddo.

 

Halkan Hoose ka Dhegeyso.

Halkan Ka Dhagayso

 

Hadaad Isticmaalayso Mobile Kaaga Halkan Hoose Ka Dhagayso

Ku Dhagayso Mobile Kaga

Allssc News Desk

 

Allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=41861

Posted by on Sep 24 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Recently Commented

Photo Gallery