Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Todobaadanka oo la filayo R/wasaare Cusub yaa isku soo hadhay yaase afka ciida loo daray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa in uu todobaadkan magacaabo R/wasaaraha Soomaaliya iyada oo Magaacista uu la sugayo inta uu dalka dib ugu soo noqonay R/wasaarihi DKM ah Mudane Cabdiwali Cali Gaas

Loolanka cidda noqonaysa R/wasaaraha ayaa si weyn uga socda Muqdisho iyada oo hadal haynta ugu badanaya ay tahay in uu ka soo dhex bixi doono beelaha Mareexaan iyo Dhulbahante mid kood inkasta oo labadan beeleed mid kastaba ay ku gudban tahay Daruufo Siyaasadeed oo mugleh, h

Beelaha Hawiye ayaa ku kala qaybsan u Olalaynata labadan beeleed iyada oo Beesha Habar digir ay suxul duub ugu jirto sidii Beesha Mareexaana ay R/wasaare u heli si arimaha Jubooyinka iyo Gobaladda dhexe ay iska kaashan lahaayeen waxaa Olalahaas hurmuud u ah Cabdiqaasin Salaad Xasan oo la sheegay in uu daaha dabadiisa ka maamulayo Madaxweyne Xasan Shiikh

Beesha Abgal ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Xasan shiikh Maxamuud ayaa doonaysa in R/wsaaaaruhu uu ka soo dhex baxo Beesha Dhulbahante ayna abuuraan is xulafaysi Siyaasadeed oo ugub ah taas oo lagu wiiqayo xulafaysigii ka dhaxeeyey Majeerteen

geesta kale waxaa saamayn kuleh magacaabista R/wasaaraha cusub Aqoontiisa iyo Kartida shaqo ee uu lee yahay maadaa uu Madaxweyne laftiisu ku cusub yahay Habka Maamulka sidaas darteed waxa il xogo ogaal ah sheegeen in Xarakadda Damul Jadiid iyo Madaxweynuhuba ay danaynayaan qof la jaanqaadi kara beesha Caalamka isla markaana dhaqaajinka dawladda

ilo muhiim ah ayaa sheegay in R/wasaaruhu uu ka soo dhex bixi doono Shakhsiyaad la magac dhabay kuwaas oo Madaxweynuhu uu la dhacsan yahay isla markaasna kala doorashadoodu ay wakhri badan ku qaadatay waxaana ay kala yihiin sidan

1. pro Cali Khaliif Galaydh
2. Dr Cali Ciise Cabdi
3. Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
4. Saacid faarax Gaarad
5. Maxamed Barre
6. Cabdiwali ( Mudanahan Magaciisa oo dhamaystiran waan weyney balse waxa uu horay ugu shaqayn jiray Xanaanadda Xoolaha ee Soomaaliya waxana uu iminka wax ku lee yahay Maxraj-yadda Xoolaha ee Boosaaso iyo Muqdisho

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la filayaa in uu raggan ka dhex dooran doono labadda Mas’uul ee ugu sareeya kuwaas gacan saar dhaw la leh beesha Caalamka sidoo kalena laf-dhabar muhiim ah ka ahaa Madaxtinidda Xasan Shiikh

Siyaasiyiinta loo hanweynaa in ay noqdaan R/wasaaraha soo socda balse hungurigooda dib u liqay ee iminka loolanka ugu jira sidii ay Wasiiro u noqon la haayeen waxaa ka mid ah

1. Cabdiwali Cali Gaas
2. Maxamed Cabdilaahi Farmaaji
3. Cabdikariin Xasan Jaamac
4. Cali Cabdi Awaare
5. Dhoodisho

allssc@hotmail.com

Short URL: http://allssc.com/?p=41795

Posted by on Sep 30 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Comments for “Todobaadanka oo la filayo R/wasaare Cusub yaa isku soo hadhay yaase afka ciida loo daray”

  1. adeer raga sharaffta lagaga cayaarin abiweli heer buu kagaaray siyaasada somalia dibna ugu soo noqo maayo wasiir iyo wax lamid ah halna niyada kasaara in ali khaliif ra isal wasaare noqdo lkn dhulbahante aniga waa walalahay waxna igama bi in wayna noqon karaan waayo waa dad somaliyed oo xaq u leh in ay xilkaas qabtaan lkn dadka shaqsiyaadka ah ee aan umada somaliyed u sinayn sida ali khalif meesha halaga saaro

  2. ayan

    kkkkkkkkkkkkkkkkkk w;ajay caadi ma tihidin riyadiina ilaahay ha idiin rumeeyo ilma adeer

  3. kkkkkkkkkkkk waa qormo qosol iyo maad ah walaahi .waxaa soo haray cali baaba,cali ciise,siciid faarax. deegaankoodii ma meteli karaan oo reer kalaa hysta.marka yaa wax u dhiibanaaya

  4. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    i like this web kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    ninkii hadlayaaba hayska hadlee khaatumo waa dhaqaaqday xilkii raysalwasaaraha iyagaa isugu soo haray oo ku hardamaya

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    i honest like it

  5. khadija

    khaatumo kuma hardamayaan ee mid un bey wataan ee inta kale waa dhoola tus iyo soow ma aragtaan inta aqoon yahan ee aanu leenahay, mase aragtaan in beelaha geesaha naga xiga ee cadowga ah inaan tusi karno intaas oo aqoon yahay baa xamar joogta xilkana qabankara waa taas ee khaatumo waa og tahay ninka ay soo bandhigeen aduunkana ay wataan cali khaliif marabo xil ee waa boos celis sidii uu u soo saari lahaa mid uu isleeyahay cadowgaad ku jebin kartaa musuq maasuqa ragadiyey dalkana waa mid bad baadin kara kusho pudlana meesha ha ka baxdo waa taas kii ogoow kii aan ogeynoo aqoon yahanadii xamar aadey waa kuwaas ee isha baxarka loolan majiro ee mid baa lawataa waanad arki dooontaa insha allah.

  6. raiisal wasaaraha mj waa ka xaaran intay ka ogaanayaan kuway habeen iyo maalin bbc iyo voa ka lahaayeen waa walaalahayo bal wax how qabteen iyagu waatay laaska gacanta u geliyeene raiisal wasaaraha waa dhulbahante kii ka xumaanaya iyo kii hambalyeynaya waxana dhulbahante u xilsaaren howshaa cali khaliif isagaa yaqaana siduu faroole iyo cawaankiisa geed ugu xidhi lahaaye hadaba taas micneheedu ma aha in cali khaliif noqonayo laakin in khadkuu dhigo iiyo ciduu howshaa la garto loo deynayo dhulbahantena maanta isma dhinac yaacayaan markaa ama ali khalif ama wuxuu keenay kolay idinka halkii uun baa laydinkaga haynayaaaa kkkkkkkkkkkkkk

  7. allaa riyo badanaa khaatumo waryaadha hee bal ragaada wiilaal majeerteen ah baa afka ciido loo daray cali khaliif oo aan ogayn oo ku hungooban kursigaan ogay baa raysal wasare helaaya aduun

Qormadaada

Photo Gallery