Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Tariikh Kooban Madaxweynaha Cusub Mudane Xasan Sheekh Max’ud (Akhri)

London (Allssc.com)

 

 

 

 

 

 

 

 

Musharaxu waxa uu sannadkii 1981 ka qalin-jebiyey Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, kadibna waxa uu Waxbarasho u aadat dalka India.

Sannadkii 1988 waxa uu Shahaada Master’s Degree ka soo qaatay Jaamacadda Bhopal University ee dalka India.

Bartamihii 1993, waxa uu Musharax Xasan Sheekh xilka Sarkaalka Waxbarashadda ee Bartamaha iyo Koonfurta Somalia ka ahaa Hay’adda QM, gaar ahaan qeybta maalgelisa gurmadka daryeelka carruurta ‘the United Nations International Children’s Emergency Fund’.

Xilkaasi waxa uu hayey tan iyo markii ay Ciiddamadda UNOSOM ee Hawlgalka Somalia ‘The UN Operation in Somalia’ ka baxeen gudaha dalka Somalia sannadkii 1995.

Sannadkii 1999 waxa uu ka mid ahaa Hawlwadeenadii asaasey Machadka Horumarinta Maamulka iyo Maareynta ee Somalia ‘The Somali Institute of Management and Administration Development’ ee magaalladda Mogadishu.
Machadka waxa loo beddelay Jaamacad sannadkii 2010.

Musharax Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sannadkii hore ee 2011 asaasay isla markaana uu Guddoomiye ka yahay Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta ‘The Peace and Development Party’.

Musharax Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu ku hadlaa Luqaddaha Somali iyo English, waana Aqoonyahan, Siyaasi iyo U-ololeeye muddo dheer la soo shaqeeyey Ururradda Caalamiga iyo kuwa aan Dowliga ahayn ee ka shaqeeya Nabadda iyo Horumarinta.
Xasan Sheekh Maxamud wuxuu u dhashay qabiilka Hawiye gaar ahaan Abgaal Waceysle.

Xasan Sheekh wuxuu ka mid yahay Urur diimeedyada ka jira Somalia laakiin lama oga inuu ka tanasuli doono hadii uu noqdo Madaxweynaha cusub ee Somalia.

Fiiro gaara: Waxaan idiin soo gudbin doonaa taariikhda Xasan Sheekh Maxamud oo faah-faahsan.

Allssc Newsdesk

Allssc.com

allssc@allssc.com

Short URL: http://allssc.com/?p=40551

Posted by on Sep 10 2012. Filed under Fikradaha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Recently Commented

Photo Gallery