Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Sidee Looga Soo Dhaweeyay Magaalada Taleex Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Somalia ” Hassan Sheekh Maxamuud”.(Daawo Full Video)

Taleex(Allssc)Dibad Bax balaadhan ayaa Saaka Hiirtii Waaberi ka Bilaabmay Magaalada Taleex ee Caasimadda Maamulka Khaatumo,Banaan Baxan ayaa ahaa mid lagu soo dhawaynayo looguna Hambalyaynayo Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Habeenimadii Xalay Baarlamaanka Cusub ee Sooaaliya Cod Qorsoodi ah ugu Doorteen Mudane Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Banaan baxa Waxaa saaka ka qayb galay Golaha Madaxtooyadda Maamulka Khaatumo,Golaha Wasiiradda ee Khaatumo qaarkood iyo Sidoo kale Dadwayne aad u faro badan oo ay ka dhex muuqanayee Ciidamada Amaanka iyo Ardayda wax ka barata Dugsiyadda Kala Duwan ee Degmada Taleex.

Madaxwayne Maxamed Yuusuf Jaamac(indhe-sheel) oo Warbaahinta La hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa khaatumo ay so dhawaynayaan madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya,shacabka Soomaaliyana Ugu Hambalyeeyey Ka bixitaanka Xiliguu Kumeel Gaadhka ahaa,sidoo kale waxa uu madaxwaynuhu Hambalyo u diray Madaxwaynihii Hore ee DKMG somalia Mudane Sh.Shariif Sh.Axmed,waxa uuna sheegay in dowladiisii KMG ay Guulo ka gaadhay Dhisitaanka Dowladan Cusub iyo Ka bixitaanka Ku meelgaadhka somalia,waxaa kale oo Md.Indho-sheel Sheegay in Shacabka Goboladda SSC ee Maamulka Khaatumo Ka arimiyo ay U taaganyihiin Midnimada Umada Somalia Wixii ka Danbeeyey Burburkiina ay ahaayeen kuwii ka shaqaynayey In aanay Somalia Kala Go’in.

Madaxwayne Axmed Cilmi Cismaan(Karaash) ayaa Sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Khaatumaba u diray Hambalyo iyo Bogaadin waxa uuna Sidoo kale Mr.Karaash u Hambalyeeyey Xildhibaanada Soomaaliyeed ee gartay in umadda Soomaaliyeed u baahantahay Wajiyyo Cusub oo siyaasadda Dalka Haga.

Hoos riix oo Daawo Full Video Ga Banaanbaxa.
http://allssc.com/40712-2/

 

Maxamed Cismaan C.nuur Xaashi Taleeex
Laascaanood31@hotmail.com.

Short URL: http://allssc.com/?p=40190

Posted by on Sep 11 2012. Filed under Fikradaha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Qormadaada

Photo Gallery