Sheekh Shariif oo loo Gafey Lana raali galiyey
Muqdisho(Allssc) Waxaa laga yaabaa in wasiirka arrimaha dibada Kenya Sam Ongeri uu hal arrin ka run sheegey, taasina ay ahayd in Sheekh Shariif uusan naxsanayn markii uu yimid goobtii uu qaraxa ka dhacay ee Xamar.
Sheekh Shariif oo qarax lala eegtey tobonaan jeer, la’iskuna dayay in la dilo in badan ayaa naxdin gooyey, halka wasiirka Kenya laga yaabo in ay u ahayd markii ugu horeysey oo uu maqlo rasaas dhacaysa, iskaba dhaaf qarax.
Wargeys Kenya kasoo baxay ayaa la sheegey in uu si khaldan usoo xigtey hadalka wasiirka oo ka hadlay qarixii Xamar lagula eegtey, tani waxa ay keentey in la faafiyo warar sheegaya in qarixii dhacay uu mas’uul ka ahaa Sheekh Shariif.
Sheekh Shariif oo maanta hadlay ayaa qeeyru mas’uulnimo iyo hadal gef ah ku tilmaamay in wasiirka ay hadaladaasi kasoo yeeraan, wuxuuna sheegey in wasiirka uu shaqada ku cusubyahay, lagana yaabo in uu qabo cuqdad gaar ah.
Sheekh Shariif waxa uu intaasi ku daray in aysan marnaba isaga ka suuroobin in uu falkaasi ku dhaqaaqo, taasi badalkeedana uu hoteelka u tagay in uu badbaadiyo nafta madaxweynaha iyo waftiga oo uu geeyo meel amaakeedu suganyahay, taasina uu sameeyey maadaamaa uu isagu wali madaxweyne ahaa.
Wasiirka Kenya Sam Ongeri oo maanta shir jaraa’id ka hadlay ayaa ku hanjabay in uu maxkamad la kori doono wargeyskii warkaasi qorey, kaasi oo uu sheegey in uu ka been abuurtey.
Wasiirka ayaa madaxweynihii hore ku amaanay geesinimo maadaamaa uu si xor ah xilka u wareejiyey.
Sheekh Shariif ayaa Kenya ku eedeeyey in ay wadeen olole isaga ka dhan ah, waxa kaliya ee uu ka cawdeyna ay ahayd in ay dhexdhexaad ka noqdaan doorashada.
Kenya oo u ololeyneysay in Dr. Cabdiwali Gaas uu noqdo madaxweyne ayaa markuu ku hungoobay doorasha waxay Kenya wafti u dirtey Xamar si madaxweynaha cusub ay ogala hadlaan in Dr. Cabdiwali laga dhigo Ra’isulwasaaraha, taasi oo uu diidey madaxweynaha cusub, waxayna tani kaliftey in Kenya ay ergo u diri weysey caleemosaarkii madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Maxamed Wali
Allssc Muqdisho
Info@allssc.com
Short URL: http://allssc.com/?p=41357
![sheekhshariif1-248x300[1]](http://allssc.com/wp-content/uploads/2012/09/sheekhshariif1-248x3001.jpg)












