Generic viagra for woman let patients improve lack payday loans online of pleasure or orgasm and hurt.
Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey

Raxmaadka Rabbi ayaa ka bilaabmay degaanadda Sool iyo Cayn

Roobabkii xili dayreedka ayaa ka bilaabmay inta badan gobolka Sool ito degaanka Buuhoodle kaas oo in badan oo ka mid ah hoola dhaqatadda ku soo aadey waqti ay ka baqayeen biyo iyo baad la`aan. Roobaabkan ayaa habeenimadii xalay ilaa waaberigii ka da`aayey magaaladda Laascaanood iyo degaanadda ku xeeran, ahaana roob mugleh sida ay xoolaleydu noo  xaqiijiyeen. Degmooyinka Xudun iyo Taleex ayaa iyagana wararka naga soo gaadhayaa ay sheegayaan in roobab fiican uu rabi ku shubay dhul badan oo degaanadaasi ka mid ah ayna miyo iyo magaalo doogsdeen inta badan. Maxamed jaamac Faarax oo ka mid ah xoolaleyda ku sugan degaanka ku dhow dhegmada xudun ayaa  sheegay inay roobkani helay degmada Xudun iyo nawaaxigeeda aanuna maqal ilaa hada wax qasaare ah oo ay geysteen. Dhinaca Degmada Buuhoodle iyo degaanka Caymeed ayaa ah kuwo uu roobku ku qaybsan yahay oo meelana uu seejiyey meelana uu maasheeyey, sida ay ay sheegeen dad ku sugan magaaladaasi. Roobabkan oo ahaa mid aad ay ugu farxeen guud ahaan dadka degaanadaasi ku dhaqan ayaa ah mid kow ah waxaana laga baqayaa inay hayaanka reer guuraagu uu haatan bilaabmo hadaan roobabkale ka Illaahay shubin taas oo badanaa dhibaato xoolaha iyo degaankaba ku keenta.

yuusuf abdi xasan

yuusufcabdi@gmail.com

Short URL: http://allssc.com/?p=41546

Posted by on Sep 20 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Raxmaadka Rabbi ayaa ka bilaabmay degaanadda Sool iyo Cayn”

Qormadaada

Photo Gallery