Shil Gaadhi oo ka dhacay inta u dhexaysa Laascaanood iyo Ganbadhe oo dad ku dhinteen dadna ku dhaawacmeen
Halqof ayaa ku dhintay lix kalena waa ku dhaawacmeen shil gaadiid oo ka dhacay duleedka magaaladda Laascaanood Caawa Fiidkii
Shilkan oo ay isku galeen Laba gaadhi oo noocoodu ahaa Booyad biyo sidey oo ku soo socotey magaaladda Laascaanood iyo gaadhi nooca TOYOTA DANA oo sidey dad rakaaba kuna sii jeedey tuuladda Ganbadhe oo Laacsaanood 30Km dhinaca Bari kaga beegan.
Dr. C/kariin Aadan Warsame oo ka hawlgala Isbitaalka dhexe ee Laascaanood ayaa sheegay in la soo gaadhsiiyey ilaa hada Lix dhaawaca oo badankoodu liitaan iyo qof meyd ah hadana dhaawaca lagu dabiibayo Isbitaalka.
Shilalka wadooyinka ayaa ah kuwo bilihii u danbeeyey aad u soo badanayey gobolka Sool iyadoo horaantii bishan Gaadhi nooca baska Yaryar ee loo yaqaan Toyota Noha uu ku gadoomey meel afartameeyo KM dhinaca waqooyi ka xigta magaaladda Laascaanood kaas oo dadkii saaraa oo shan qof ahaa ay ku naf waayeen.
Short URL: http://allssc.com/?p=42383













ALLAHA U NAXARIISTO DHAMMAANTOOD HADDII AY MUSLIM AHAAYEEN, INNAGA, WAALIDKEEN IYO MUSLIMIINTA IYO MUSLIMAADKA KALE OO DHANAA ALLAHA INOO KA DABA NAXARIISTO AAMIIN.